Sabti, June 14, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay xoogag kala taabsan ku dagaalamaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa loogu baaqay in ay u turaan Dadka Shacabka ah.
Baaqan ku socda dhinacyada Soomaaliya isku haya ayaa laga soo saaray shir sanadle ah oo ay Madaxda Urur Goboleedka IGAD ku leeyihiin Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasi oo sidoo kale looga hadlayo arrimo ku saabsan xaaladda Gobolka Geeska Afrika.
Dagaallada u dhaxeeya Xoogagga labada dhinac ayaa la sheegay in ay dhibaato ka soo gaarto dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay qaarkood nolosha ku adkaatay kadib markii ay ka barakaceen guryahoodii ku yaalay Magaalada Muqdisho.
Khubarro ka hadlay xaaladaha Bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in dad dhan 3.5 Milyan ay u baahan yihiin cunto lala gaaro, kuwaasi oo haddii aan la gaarsiin gargaarka ay u baahan yihiin ay xaaladdooda khatar geli doonto.
Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu qalalaase ku jiray tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii xiligaasi oo ay meesha ka baxday Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, waxaana wixii waqtigaas ka dambeeyay ku hardamayay aayo-ka-talinta dalka Soomaaliya hoggaamiye Beeleedyo is-diidan.
Shirka ay madaxda Urur Goboleedka IGAD ku leeyihiin Dalka Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay colaad ka dhex oogan tahay Dalalka Jibouti iyo Eritrea, iyadoo sidoo kalena ay horay colaad ugu dhaxeeyay dalalka Ethiopia iyo Eritea, halka ay xusid mudan tahay in uu xun yahay xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Eritrea.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia