Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha

Cabirka Farta

Sabti, June 14, 2008(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee fadhigoodu yahay Xarumaha Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Xeradii Guul-wadayaasha ayaa waxay saaka howlgallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha.

Meelaha ay Ciidamadan howlgallada ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha u dhow  Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, Ex-Koontarool Afgooye iyo Kuliyaddii Jaalle Siyaad, inkastoo aan la soo sheegin cid ay ciidamadaas ku qabteen howlgalladooda.

Howlgallada ay sameeyeen Ciidamadaas is-kaabayay ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, walow uu mar dambe caadi ku soo noqday.

Qeybo ka mid ah Waddooyinka Warshadaha iyo 30-ka ayaa waxay noqdeen kuwo aaney dadka iyo gaadiidka isticmaalin, waxaana ugu wacan iyadoo ay fariisimo ka sameysteen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo aaney dadka rayidka ah ku dhiirran karin in ay ku dhawaadaan.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa inta badan waxay magaalada Muqdisho ka sameeyaan howlgallo la sheego in ay ammaanka ku sugayaan, tiiyoo ay sii kordheyso amni darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia