Sabti, June 14, 2008(HOL): Saqdii dhaxe ee xalay ayeey mar kaliya ku soo baraarugeen dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne Shanqarta Gadiid lagu daabulayo Ciidamada Itoobiya ee bilihii aynu soo dhaafnay deganaa gudaha Magaalada kadib markii sida warar soo baxaya sheegayaan lagu amray in ay tagaan Deegaanka Jante-kuundisho oo ay baneeyeen Ciidamadii horay u joogay kuwaa u dhaqaaqay dhinaca Deegaanka Kala-beyr.
Saldhiga Baliiska Magaalada oo ahaa fariisinkoodii ugu weyn Ciidamada Itoobiya intii ay ku sugnaayeen Magaalada Beledweyne ayaa saakay waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u faro badan kuwaas oo wajiyadooda laga aqrisan karay sida ay u soo dhaweynayaan ka bixitaanka Magaalada ee Ciidamada Itoobiya, waxaana sidoo kale gudaha Saldhiga ku sugnaa rag aan sidaa u sii badneyn oo sitay dareeska Ciidamada Baliiska laakiin aan heysan wax hub ah.
ka bixitaanka Ciidamada ee Magaalada Beledweyne ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaq labadii cisho ee la soo dhaafay ay wadeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Gobalka Hiiraan kuwaa oo qaarkood galinkii danbe ee shalay u dhaqaaqay Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kadib markii 10-kii bishan xili habeenimo ah kooxo hubeysani weerar Hoobiye ku qaadeen Degmada.
Inkastoo inta badan dadku soo dhaweynayo in Ciidamada Itoobiyaanku dib ugu laabtaan fariisinkoodii hore ee Jante-kuundisho ayaa hadana waxaa iska cad in Maamulku uusan mahdin talaabada ay qaateen Ciidamada, maadaama laga yaabo in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada kooxaha ku kacsan Dowladda Federaalka oo markii horeba majaraha u siibay Maamulkii kan ka horeeyay ee Yuusuf Dabageed.
Si kataba arintu ha ahaatee Magaalada Beledweyne hadda waa mid cidla ah marka laga hadlayo dhinaca Nabad-galyada, waayo wali majiraan Ciidamo awood badan leh oo hanan kara xitaa ugu yaraan amaanka xarumaha Maamulka, waxaana isha lagu wada hayaa talaabada uu qaadan doono Maamulka hada jira mar hadii ay meesha ka baxeen Ciidamadii Itoobiya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia