Qarax khasaare gaystay oo xalay ka dhacay Gaalkacyo

Cabirka Farta

Sabti, July 05, 2008(HOL): Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay Qarax aad u xoog badan oo xalay Saqdii dhexe ka dhacay Gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyadoo qaraxaasina uu saameyn ku yeeshay dhamaan dagaananshaha guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Labada ruux ee ku dhawacantay qaraxaasi ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Weyn ee Magaalada Gaalkacyo, iyadoo laga soo dayrinayo xaaladdiisa caafimaad mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Kooxihii gaystay qaraxani ayaa ka baxsaday Gacanta Booliska, waxaana goobta qaraxani ka dhacay markii danbe isugu soo xoomay kumanaan ka tirsan shacabka magaaladaasi.

Ciidamad Booliska  Magaalada Gaalkacyo ayaa isku gadaamay goobta uu ka dhacay Qaraxni oo ahayd meel ay isugu tagaan dhalinyarad Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Daahir Aflaw oo HOL u waramayay ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan sidii Booliska ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dadka Caadeystay Falalka Caynkaan oo kale ah.

Magaalada Gaalkacyo ayaa iminka u saaxiib noqotay falal isugu jira dilal qorshayn iyo Qaraxyo lala beegsanayo goobaha ay ku badan yihiin bulshada rayidka ah ee ku yaala Gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah Gobolka Mudug.

Qaraxaan xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa noqonaya kii 8aad oo muddo labo bil gudaheed ah ka dhaca Magaalada Gaalkacyo ee xarunt u ah Gobolka Mudug.
 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso ,Somalia