Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Yaaqshiid iyo inta badan Ilaaladiisii oo Qarax Miino lagu dilay

Cabirka Farta

Sabti, July 05, 2008(HOL): Waxaa Qarax Miino ku geeriyooday Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Yaaqshiid Xasan Cadde iyo inta badan ilaaladiisii oo ay gaari wada saarnaayeen, kuwaasi oo uu ka soo haray mid kaliya oo dhaawac ahaan Isbitaal loogu qaaday.

Miinada lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Yaaqshiid iyo ilaaladiisa ayaa waxay ahayd nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, waxaana lagu soo waramayaa in Miinada oo ahayd mid culus ay gebi ahaanba burburisay gaarigii uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Yaaqshiid Xasan Cadde.

Halka uu qaraxa ka dhacay oo ah Xaafadda Jiiro-garoob ee Degmada Yaaqshiid ayaa daqiiqado kadib markii uu qaraxaas dhacay waxaa soo gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo gebi ahaanba xiray inta u dhaxeysa Isgoysyada Fagax iyo Towfiiq.

Ciidamada oo halkaas baaritaanno ka bilaabay ayaa waxay gebi ahaanba hakad geliyeen dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Gaadiidka, waxaana haatan shaqeyneynin Gaadiidkii BL-ka ahaa ee isaga kala gooshi jiray Isgoysyada Fagax iyo Towfiiq ee Wadada 30-ka iyo weliba kuwii ay gaarka loo lahaa.

Ma ahan mas’uulkii ugu horeeyay oo Degmada Yaaqshiid laga dilo tan iyo wixii ka dambeeyay markii la magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka yahay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), waxaana horay loo dilay seddex guddoomiye loo magacaabay Degmada Yaaqshiid, ku xigeenno iyo weliba Guddoomiye Waaxeedyo, kuwaasi oo qaarkood si toos ah loo toogtay, halka kuwo kalena qarax lagu dilay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia