Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Shir ku yeelanaya Magaalada Baydhabo kadib muddo bil ka badan oo aysan wax kulamo ah yeelan

Cabirka Farta

Sabti, July 05, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in maanta ay xaruntooda ADC-da kulan ku yeelan doonaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ay maanta isugu imaanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda uu dalka ku sugan yahay, in la xiro kalfadhiga Baarlamaanka oo markaasina ay Xildhibaannada fasax galaan iyo in ay sii socdaan fadhiyada Kalfadhiga Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe ayaa dhawaan wuxuu Xildhibaannada ka maqan Magaalada Baydhabo ugu baaqay in ay deg deg ku soo gaaraan Baydhabo, si buu yiri looga hadlo arrimo xasaasi ahoo hor-yaala Baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba waxaa shalay iyo dorraad gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay Xildhibaanno ka kala tegay Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kuwaasi oo dabcan ka jawaabayay baaqii uu u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa in ay soo gaaraan Magaalada Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo-na waxay sheegayaan in ay Xildhibaannada Baarlamaanka ku sii qulqulayaan Xarunta ADC-da ee ay ku shiraan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Magaalada Baydhabo ay saaka saaran tahay xayiraad dhinaca dhaqdhaqaaqa dadka ah, taasi oo ay ku soo rogeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha Magaalada ku sugan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia