Kooxda Kubadda Cagta Banadir Telcom ee Somalia oo mar kale laga badiyay

Cabirka Farta

Axad, 20 July 2008 (HOL):  Kooxda Kubadda Cagta Banadir Telcom ee Somalia ayaa galabta waxaa ka badisay Kooxda Tuskar ee dalka Kenya kadib markii uu dhexmaray kulan ka tirsan Tartanka Kooxaha Horyaallada Dalalka Bariga iyo bartamaha Afrika.

Kooxda Banaadir Telcom ee Soomaaliya meteleysay ayaa la sheegay in looga badiyay 5 gool, wuxuuna taasi ku sababeeyay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta in aysan isla qabsan weli Ciyaartoy ay Kooxda Banadir Telcom ka soo kaxeystay dalka Kenya.

Horay waxaa Kooxda Kubadda Cagta  Banadir Telcom uga badisay Kooxda Simba ee Dalka Tanzania, taasi oo dalkeeda uu martigelinayo Tartanka Kooxaha Horyaallada Dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika, waxaana sidoo kale kulankaas looga badiyay Kooxda Soomaalida 5 gool iyo waxba.

Inkastoo laga badiyay Kooxda Kubadda Cagta Soomaaliya Soomaalida ee Banadir Telcom oo ay tartanka ka hartay hadana waxay wadataa 3 dhibcood oo ay ka qaadatay Kooxda Vital'O ee dalka Burundi kadib markii ay 2-1 uga badisay kulankii ugu horeeyay ee ay ciyaartay.

Ugu dambeyntiina, Kooxda Kubadda Cagta Banadir Telcom ayaa waxay heysataa Horyaalka 35aad ee Dalka Soomaaliya, waxayna sanadkan nasiib u yeelatay in ay ka qeybgasho Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ah tartan la qabto sanad walba.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia