Axad, July 20, 2008(HOL): Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay baarayaan ciddii ka dambeysay dil shalay ka dhacay Xaafadda Jowhar Soomaali ee magaalada Jowhar.
Mas’uulka Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Gobolka Shabeelaha Dhexe Shiikh Daahir Caddow Calasow ayaa sheegay in ay baarayaan ciddii ka dambeysay dilka labo ruux iyo dhaawaca labo kale oo shalay ka dhacay deegaanka Jowhar Soomaali, kuwaasi oo dilka iyo dhaawaca loo geystay iyagoo sugayay raashin mucaawino ah oo deegaankaas laga qeybinayay.
“Weli nooma kala cadda, baaris ayaana ku heynaa ciddii dilka iyo dhaawaca dadkaas ka dambeysay, marka uu baaritaanka noo soo dhamaadana tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa ciddii uu falkaas ku cadaado haddii ay ahaan lahayd Ciidamada, Dadka Deegaanka iyo haddii ay ahaan lahayd cid dooneysay in ay raashinka mucaawinada ah boobto”ayuu yiri Shiikh Daahir Caddow Calasow.
Shiikh Daahir Caddow Calasow oo sii hadlayay waxaa uu tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen labada ruux ee geeriyootay, kuwii dhaawacmayna wuxuu Allaah uga baryay Caafimaad.
Deegaanka Jowhar Soomaali oo hoos-yimaada Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa markii falkaas dhacayay waxaa ka socotay qeybinta raashin mucaawino ah oo ay Hay’adda WFP dhawaanahan ka waday deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia