Axad, 20 July 2008 (HOL): Ugu yaraan labo Ruux ayaa ku Dhimatay hal kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii gaari ay saarnaayeen uu ku Qalibmay Duleedka Magaalada Gorowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland.
Dhaawaca Dadkii ku waxyeeloobay Gaarigasi ku rogmaday duleedka Magaalada Garowe ayaa markii dambe la geeyay Isbitalka Magaalada Gorowe, waxaana halkaasi ku dabiibaya dhakhaatiirta ka hawla gasha Isbitalka Magaalada Gorowe.
Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Xasan Cawad Guuleed oo ahaaa guddoomiyaha hay’ad samafal oo ka hawlgali jirtay Gobolka Sool taasi oo lagu Magacaabo S.W.F.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in Gaarigaan uu rogmaday xilii u ku soconayay xawaare aad uga badan midkii loogu tala galay, waxaana rogmashada gaariga ka dhashay khasaare isugu jira mid nafeed iyo waliba mid hantiyeed.
Gaarigaan ku rogmaday Duleedka Garowe ayaa lagu sheegay in uu ahaa Nooca Market TW-ga loo yaqaano, waxaana la soo sheegayaa in xaaladda caafimaad ee qofka dhaawacmay caadi tahay.
Xasan Cawad Guuleed ayaa ka mid ah dadka u ololeeya Arimaha Xaquuqda Aadanaha iyo caawinta dadka Taagta-daran sida xarumaha ay ku jiraan Agoomaha ee ku yaala Magaalooyinka Laascaanood iyo Gaalkacyo.
Dhinaca kale waxaa tacsi u diray Xasan Cawad Guuleed dhamaan Guddoomiyaasha hay’adaha Samafalka ee ka hawl gala Deegaannada Puntlland maadaama uu ahaa Nin magac weyn ku lahaa bulshada dhexdeeda.
Shilalka Ceynkaan oo kale ah ayaa beryihii u danbeysay ku soo kordhayay qaybo ka mid ah Waddooyinka qaar ee Puntland, iyadoo Maalmo ka horna shil ceynkaan oo kale ah ay dad ugu dhinteen Gaari ku rogmaday inta u dhaxaysa Magaalooyinka Qardho iyo Bosaaso.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia