Arbaco, July 02, 2008 (HOL): Shalay oo ay taariikhdu ahayd 01da Luulyo 2008, ayaa waxaa xaflad heer sare ah lagu qabtay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia oo uu halkaas Md. Maxamuud Colow Barow, Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia ku soo dhaweeyay ganacsato, arday iyo odayaasha degan magaalada Jakarta ee Indonesia.
Furitaanka xaflada ka dib, waxaa halkaasi fikrado kooban oo ku saabsan xaaladda wadanku marayo isku dhaafsaday ka soo qeybgalayaasha xaflada iyagoo isu dardaarmay in loo duceeyo wadanka, inuu Ilaahay ka saaro dhibka uu shacabka ku jiro, sanadkan kiisa kalena ku gaarsiiyo barwaaqo iyo nabad.
Hadal guubaabo ah oo uu halkaas ka jeediyay Md. Colow, Danjiraha Jamhuiriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia ayuu kula dardaarmay akhyaartii halkaasi isugu timid in ay cid walbo si shakhsi ah iyo sii guudba ay isaga kaashadaan sidii wax looga geysan lahaa xaaladda uu wadanku marayo, iyadoo uu ku guubaabiyay in ay iska warhayaan Safaaradda iyo jaaliyadda ku nool Indonesia. Dhinaca kalana, akhyaar ku hadashay magaca ka soo qeybgalayaasha ay ka codsadeen Safiirka inuu xilka culus ee uu hayo ugu adeego Jaaliyadda iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan, iyagoo hoosta ka xariiqay inuu Safiirku abuuro qaabab lagu hormarinayo ka faa’iideysiga ganacsiga Indonesia oo ay Soomaalidu si aad ah ugu xiran yihiin.
Gebagebadii, Safiirka ayaa uga mahadcelinayay talooyinka loo soo jeediyay, isagoo kula dardaarmay in laga wada shaqeeyo horumarinta danaha Soomaaliya ee Indonesia, taasoo lagu gaari karo iskaashi iyo wada shaqeyn dhex marta ganacsatada iyo Safaaradda, wuxuuna safiirku ugu hambalyeeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadan qaaliga, isagoo Ilaahay uga baryay inuu ka soo saaro shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku jiraan, una horseedo jidka uu Ilaahay raaliga ka yahay ee wanaaga iyo walaaltinimada.
Waxaana ay xafladii ku soo gebagabowday farxad iyo reyn reyn.
Safaaradda Soomaaliya ee Indonesia
[email protected]
[email protected]