Arbaco, July 02, 2008 (HOL): Ciidamada Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa xiliiga habeenkii waxaa lagu soo rogay bandaw aad u xoog badan ka dib falal isugu jira dilal iyo dhac loo gaysanayo shacabka Rayidka ah ee ku dhaqan gudaha Magaaladaas.
Dhamaan goobaha Ganacsiga ayaa xiliga habeenkii ah mid albaabadu u xiran yihiin, iyadoo Maamulka Gobolka Mudugna uu arintani ku macneeyay in ay tahay mid Amniga Magaaladaasi wax looga qabanayo kaasi oo beryihii ugu dambeeyay faraha ka sii baxayay.
Maamulka Gobolka Mudug ayaa ka soo horjeestay in Gawaarida leh muraayadaha Madow lagu dhax wato Gudaha Magaalada Gaalkacyo ,waxaana maamulka uu ka dhawaajiyay in amniga wax laga qaban doono.
Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen falal isugu jira dil iyo dhac loo gaysanayo dadka rayidka ah ee ku dhaqan Gudaha magaaladaasi, kuwaasi oo ka soo barakacay Koonfurta Dalka Somalia.
Bil gudaheed Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay 7 qarax iyo dilal kala duwan, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Dhinaca kale Madaxwayanaha Dawlada Goboleedka Puntland Jen. Maxamud Muuse Xirsi (Jen Cadde Muuse) oo ku sugan Magaalada Gorowe ayaa sheegay in Maamulkiisa uu xoogga saari doono dhinaca ammaanka ,si looga hor-tago waxyaabaha khal khalka ku beerayay ammaanka deegaanada Puntland
Bandowga lagu soo rogay Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay labo habeen jirsaday ,iyadoo dhamaan loo diiday shacabka ku dhaqan magaaladaasi in wixii 9-ka fiidnimo ka dambeeyay aanan lagu arki karin cid lugaynaysa gudaha magaalada ,xilli Wasiirka ku xigeenka Amniga Puntland uu ugu sugan yahay magaaladaasi arimo la xiriira dhinaca ammaanka.
Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia