Xaaalada Degmada Matabaan oo degan iyo Ciidamadii Itoobiya oo soo gaaray deegaanka Kala-beyr

Cabirka Farta
Arbaco, 2, July, 2008 (HOL)  Waxaa maanta degan deegaanadii ay shalay  dagaalladu ku dhaxmareen Xoogagga Makamadaha Islaamiga iyo Ciidamada Itoobiya ee Degamda Matabaan.
 
Ciidamada Itoobiya ee dagaalka la galay Xoogagga Maxkamadaha ayaa warar soo baxaya sheegayaan in saakay ay soo gaareen deegaanka Kala-beyr oo markii hore fariisin u aheyd xoogagga Makamadaha ee ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya, waxaana warku intaas ku darayaa in Ciidamada Itoobiya ee soo gaaray deegaanka Kala-beyr aysan la kulmin wax iska caabin ah oo kaga yimid dhinaca kooxaha ka soo horjeeda, inkastoo mar walba la filan karo dagaal mar kale ka dhaca maadaama wali Xoogagga Makamaduhu ka soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya.
 
Dagaalkii shalay oo ahaa mid aad u culus ayaa marka laga soo tago sheegashada Makadamaha Islaamiga waxaa ay wararku sheegayaan in ay ku geeriyoodeen in ka badan 18 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Makamadaha Islaamiga, halka dhinaca Ciidamada Itoobiyana dagaalkaa uu ka soo gaaray khasaare aan la ogeyn inta uu la eg yahay.
 
Inkastoo goor dhaw Ciidamada Itoobiya soo gaareen deegaanka Kalabeyr ee Gobalka Hiiraan ayaan hadana si rasimi ah loo ogeyn halka ay ku soo wajahan yihiin, maadaama laga yaabo in ay Ciidamadu u leexdaan wadada gasha Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
 
Mas'uuliyiinta Makamadaha ayaa iyagu horay u sheegay in mar walba ay la dagaalami doonaan Ciidamada Itoobiya xitaa haddii ay soo galaan gudaha shacabka taas oo wal wal iyo cabsiba ku abuurtay dadka rayidka ah.
 
Ugu dambeytii saacadaha soo socda ayaa isha lagu wada hayaa sida xaalku isku badali doono mar haddii Ciidamada Itoobiyaanku joogaan deegaanka Kala-beyr oo ah goob istiraatiji u ah labada dhinac hadba kooxda markaas gacanta ku heysa.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia