Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka oo bilaabay in ay isaga baxaan Dalka Soomaaliya

Cabirka Farta

Axad, July 13, 2008(HOL): Shaqaalaha hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Dalka Soomaaliya ayaa waxay bilaabeen in ay isaga baxaan Dalka Soomaaliya, iyadoo go’aankaasina ay qaateen kadib markii Muqdisho iyo duleedyadeeda lagu dilay mas’uuliyiinta Hay’ado samafal ah.

Waxaa Muqdisho lagu dilay Madaxii Xafiiska Muqdisho ee Hay’adda UNDP Cusmaan Cali Axmed, sidoo kalena waxaa Deegaanka Ceelasha Biyaha lagu dilay Maxamed Maxamuud Kheyre (M.M.K), sidoo kale Deegaanka Gal-hareeri ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu dilay Maxamuud Axmed Rooble oo madax ka ahaa Hay’ad Samafal oo lagu magacaabo Gol-raado.

Waxaa isna dhaawac u jiifa Isbitaalka Madiina Cali Baashi Aloore oo isagoo Raashin Mucaawino ah ku qeybinayay Deegaanka km 13 ay kooxo hubeysan dhaawaceen. Cali Baashi Aloore wuxuu madax ka yahay Hay’ad Samafal oo Sordo lagu magacaabo.

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Maxamed Geesey oo ay soo xiganeysay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa wuxuu sheegay in ay Shaqaalaha Hay’adda UNDP ay ka qaxeen magaalada Baydhabo, “Waxaan ka fileynay in ay joogaan oo ay dhameystaan mashaariicdooda laakin waa ay qaxeen”ayuu yiri C/fataax Geeseey.

Ka bixitaanka Magaalada Baydhabo ee Shaqaalaha Hay’adda UNDP ayaa wuxuu yimid kadib markii ay 7-dii bishan ay Magaalada Baydhabo weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen Xoogagga Al-Shabaab, kuwaasi oo madaafiicda la beegsaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Itoobiyaan ah, si gaar ahna waxay madaafiicda ula beegsadeen Xarunta Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha Baydhabo iyo fariisin ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku leeyihiin Warshaddii Oomada ee Avv. Xasey.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia