Axad, July 13, 2008(HOL): Xaafadda Buundo-weyn ee Magaalada Beledweyne ayaa xalay waxaa lagu toogtay labo wiil oo dhalin-yaro ah halka labo kalana lagu dhaawacay, kadib markii maalintii shalay ahayd la qabtay sida wararku sheegayaan iyagoo cabitaan u wada Xerada ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya ee Jante-kuundisho.
C/raxiin Ciise Caddow oo u hadlay Maxkamadaha Islaamiga ayaa sheegay in falka dilka ah ee xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ay fuliyeen Xoogagga Maxkamadaha isagoo ku tilmaamay dhalinyarada la dilay sida uu hadalka u dhigay kuwo Jawasiis oo u adeegayay Ciidamada Itoobiya, waxaana uu intaas ku daray in jidkaas la marin doono cid kasta oo u adeegta Ciidamada Itoobiya.
Laakiin marka laga soo tago hadalka ka soo yeeray C/raxiin Ciise Caddow waxaa falka xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne si weyn uga xumaaday dadka deegaanka oo sheegay in tallaabada lagu fuliyay dadkaasi lagu deg degay, isla markaana loo baahnaa oo kaliya in digniin la siiyo mar haddii waxa lagu qabtay ay ahaayeen oo kaliya cabitaan ganacsi ahaan loo waday.
Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee ka arrimiya Magaalada Beledweyne ayaa dhinaca kale wali gacanta ku hayaan dad lagu soo qab qabtay waxyaabo kale loo iibgeynayay Xerada Jante-kuundisho ee fariisinka u ah Ciidamada Itoobiya lamana oga sida laga yeelayo dadkaas.
Inkastoo falka xalay ka dhacay Xaafadda Buundo-weyn uu ahaa mid ku cusub Magaalada ayaa dhinaca kale waxaa uu farriin culus u noqonayaa dadka iyagu ku dhiirrada in ay ganacsigooda geeyaan Xerada ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya ka hor inta aysan la wareegin Magaalada Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Dad xalay lagu dilay Xaafadda Buundo-weyn ee Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka oo bilaabay in ay isaga baxaan Dalka Soomaaliya
- Madaxweyne Rayaale oo magacaabay Maareeye cusub
- Dadka u barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo walaac ka muujinaya dilalka loo geysnayo Madaxda Hay’adaha...
- Xoogagga Al-Shabaab oo gaaray Degmada Baardheere
- Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo eedeyn u jeediyay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye