Axad, 13 July 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Maareeye cusub u magacaabay Madbacadda Qaranka.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Saciid Cadaani, Madaxweynuhu wuxuu Maareeyaha Madbacadda Qaranka u magacaabay Maxamed Cabdi Maalik .
Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maareeye cusub u magacaabay Madbacada Qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu isagoo tix gelinaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL iyo ahmiyada weyn ee Madbacada qaranku u leedahay dalka, waxa uu u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Maalik inuu noqdo Maareeyaha cusub ee Madbacada Qaranka, kadib markii uu Madaxweynuhu tix gelin gaar ah siiyay kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, gudan karana xilka loo magacaabay.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland