Hoobiyayaal lagu weeraray Xerada Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Khamiis, 10, July, 2008 (HOL)  Gelinkii dambe ee maanta waxaa laga maqlay duleedka bari ee Magaalada Beledweyne dhawaaqa qoriga hoobiyaha oo lagu weeraray Ciidamada Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Xerada Jante-kuundisho oo wax ka yar 7 km u jirta Magaalada Beledweyne.
 
Warar Xog-ogaal ah oo laga helayo dadka sida weyn ugu dhaw xerada ayaa sheegaya in ilaa 7 Madfac ay ku soo dhacday meel aan sidaas uga fogeyn halka fariisinka u ah Ciidamada Itoobiya, waxaana warku intaas ku darayaa in aysan jirin wax jawaab ah oo ay ka bixiyeen weerarka Ciidamada Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Jante-kuudisho.
 
Waxaa warku intaas ku darayaa in markii uu weerarku dhacay kadib la arkayay qaar ka mid ah gadiidka dagaalka Xoogagga ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya oo u sii dhaqaaqa dhinaca gudaha Magaalada.
 
Weerarkan dhacay galabta ayaa hadal heyn xoog leh ka dhax dhaliyay dadkii ku sii harsanaa magaalada oo maalmahan ka war dhowrayay waxa ka soo bixi doona Ciidamada isaga soo horjeeda magaalada, waxaana la oran karaa weerarka galabta dhacay waa mid sare u sii qaadaya shakigii markii horeba dadku ka qabay in ugu danbeytii uu dagaal dhax mari doono dhinacyada iska soo horjeeda.
 
Sidoo kale waxaan la ogeyn jawaabta ay arintan ka bixin doonaan dhinaca Golaha Odayaasha dhaqanka oo si weyn maalmahan ugu howlanaa baajinta weerar lagu qaado Ciidamada Itoobiya si markaas looga fogaado in gudaha dadka rayidka ah laysku adeegsado hub culus oo khasaare keeni kara.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia