Maxaa ka soo baxay kulamo ay la haayeen Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ee jooga Gobalka Hiiraan

Cabirka Farta
Khamiis, 10, july, 2008 (HOL) 24-kii Saac ee la soo dhaafay Magaalada Beledweyne waxaa ka jiray kulamo gaar ah oo ay la haayeen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga iyo Isbaheysiga dib u Xoryenta ee gacanta ku haya guud ahaan Gobalka Hiiraan
 
HOL oo siweyn ula soctay kulamada ayaa Ilo Xog-ogaal ah oo siweyn ugu dhuun daloola
waxaa ay u sheegeen  in lays kula soo qaaday labo qodob oo kala ahaa sida laga yeelo soo jeedin is daba joog ah oo dhinaca Maxkamadaha uga imaneysay Golaha Odayaasha dhaqanka, iyo talaabada laga qaadanayo Ciidamada fariisinkoodu yahay duleedka bari ee Jante-kuudisho.
 
Wararku waxaa ay sheegayaan in Xalay ugu danbeytii laysla gartay in Xoogagga Maxkamadaha laga saaro magaalada si markaa loo dajiyo dareenka dadka shacabka ah, waxaana warku intaa ku darayaa in laysla qaatay Ciidamada Xoogoodam in la dajiyo Tuulada Luuq-jeelow oo qiyaastii dhinaca Galbeed 23km kaga beegan Magaalada Beledweyne.
 
Lakiin waxaan meesha laga saarin in ay jiri doonaan Ciidamo gaar ah ilaalo ka qabta Magaalada si markaa looga foojignaado in Ciidamada Itoobiyaaku gudaha su soo galaan Magaalada marka ay dibad uga baxaa Xoogagga Maxkamadaha.
 
Xubin siweyn ugu dhaw dhaw Saraakiisha kulanka ka qeyb-gashay ayaa HOL u sheegay in go'aanka Ciidamada looga saaro Magaalada markii hore uu ka yimid dhinaca Odayaasha dhaqanka oo lagu gacan seyray, lakiin hada loo arkay in uu yahay qodob muhiim u ah amaanka, waxaana uu intaa ku daray in mar walba oo loo baahdo Ciidamadaa ay gudaha u soo gali doonaan Magaalada.
 
Dhinaca kale ma'jiraa warar si faah faahsan uga hadlaya waxa laga yiri talaabada laga qaadayo Ciidamada Itoobiya oo u muuqta arin ah mid Milatari, waana qodob siweyn shacabku ugu dhagtaagayo ka hadlidiisa maadaama shakiga la qabo uu yahay weerar lagu qaado Ciidamada Itoobiya.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadii sida uu yahay loo hirgaliyo qodobka ku saabsan ka saarida Ciidamada gudaha magaalada Beledweyne, taa waxaa ay keeni kartaa in boqolaal qoysas ah dib ugu soo laabtaan hoygooda, inkastoo hadana wali uu jiro wal walka la xiriira wax dhici kara marka ay isku dayaan Ciidamada Itoobiyaaku in ay xoog ku soo galaan Magaalada.
 
Kulanka ayaa la sheegay in ay ka qeyb-galeen Xog-hayaha arimaha gudaha Isbaheysiga dib u Xoryenta Col. Cumar Xaanshi Aadan iyo Xog-hayaha difaaca Shiikh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacade) oo maalin ka hor soo gaaray Magaalada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia