Caruur ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Qarax ka dhacay Magaalada Garowe

Cabirka Farta

Khamiis, July 10, 2008(HOL):  Ugu yaraan Sedex Caruur ah ayaa ku dhimatay 5 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Qarax ka dhacay dhabarka danbe ee Garoonka Kubada Cagta Magaalada Gorowe ee Mire Awaare.

Dad Goob joogayaal ah oo ka ag-dhawaa goobta uu Qaraxani ka dhacay ayaa HOL u sheegay in Caruurtu ay u laha Goosha la suro ay ka dhigteen walxaha Qarxa deetana sidaa uu ku dhacay qaraxaasi.

Caruurta Dhimatay iyo kuwa Dhaawacmay ayaa loola soo cararay Isbitaalka weyn ee Magaalada Garowe ,iyadoo ay halkaasi ku dabiibayaan Dhakhaatiirta ka hawlgasha Isbitaalka.

Goobaha ay ka ag dhawyihiin Qashinka ayaa aalaaba waxa ka dhaca qaraxyo caynkaan oo kale ah, iyagoo geysta Khasaare isugu jira kuwa Nafeed iyo waliba kuwa hantiyeed, Mana aha Qaraxii ugu horeeyay oo Caruur walxaha Qaraxa ay kula qaraxaan Magaalada Gorowe.

Inkastoo Qaraxaan Caruurta ay ku dhinteen uu Khal Khal geliyay Shacbka Magaalada Gorowe ayaa hadana waxaa soconaya baaritaano uu wado Maamulka Gobolka Nugaal oo ku aaadan in la helo Xogta dhabta ah ee arintan keentay.
 
Faysal  Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia