Khamiis, January 31, 2008(HOL): Qaar ka mid ah Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxay socod lug ah ku mareen xaafado ka tirsan Degmooyinka Wadajir iyo Hodan ee Gobolka Banaadir.
Ciidamadan oo ka soo baxay Dugsigii Tababarka Xalane oo Xarun dhexe u ah Ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu arkay Xaafadda Buulo Xuubey iyo weliba nawaaxiga Isgoyska Zoope, iyagoo kadibna u dhaqaaqay dhanka Jaamacaddii Gahayr oo haatan ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.
Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan ujeedada ay u soo baxeen Ciidamadan oo aad u hubeysnaa, waxayna wararka qaarkood sheegayaan inay Ciidamadan ahaayeen kuwo indho-indheyn u socday oo dib ugu laaban doona xaruntooda, halka warar kalena ay sheegayaan in Ciidamadan la doonayo in la dejiyo Xarunta Jaamacaddii Gaheyr, inkastoo warkaasi uu yahay mid aan rasmi ahaan looga helin saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ee Muqdisho ku sugan.
Ma jirin wax howlgallo ah oo ay Ciidamadan sameeyeen intii ay socodka lugta ah ku jireen, waxayna kaliya ku socdeen Waddooyinka dhincahooda iyagoo weliba si aad isu ilaalinayay oo feejignaan ay ka muuqatay.
Waxay ahaayeen Ciidamadii ugu horeeyay oo socod lugta ah uga soo baxa Xaruntooda dhexe tan iyo markii ay Ciidamada AMISOM Muqdisho soo gaareen horaantii Sanadkii hore, waxaana horay loo arki jiray Ciidamadan oo gaadiid isticmaalaya.
Socodka Lugta ah ee ay Ciidamadan sameeyeen ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan ay ka baxeen xerooyin ay ku sugnaayeen oo ku yaala Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo bixitaanka Ciidamadaasna ay Dowladda Federaalka ku tilmaamay mid loogu daneynayo bulshada oo la doonayo in ay dib u soo ceshato dhaqdhaqaaqeedii.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia