Sarkaal Madax ka ahaa Xafiiska Ha’yad Miinada Baarta oo Hargeysa lagu dhaawcay

Khamiis, 31 January 2008 (HOL)- Sarkaal u dhashay dalka Armenia oo madax ka ah Mashruuca Hay’adda Ingiriiska ah ee Miina-saarka, HALLO TRUST ka fuliso Somaliland ayaa toogasho lagu dhaawacay shalay, magaalada Hargeysa. Waxaana dhaawiciisa Islagelinkii danbe ee shalay loo qaaday Jabuuti.

Ninkii falkaasi geystey oo isagu ka tirsanaa shaqaalaha muwaaddiniinta ah ee hay’addaas ayaa isagana boolisku dhaawac ku qabtay. Waxaana labadoodaba loola cararay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo gargaar degdeg ah iyo daaweyn loogu sameeyey.

Sida wararku sheegayaan, ninka ku eedaysan falkan toogashada ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Maxamed Yuusuf (Cabdi Madoobe), kana mid ahaa hoggaamiyayaasha ama madaxda kooxaha miina-saarka muwaaddiniinta ah ee hay’addaas ka shaqeeya, balse, shaqada laga eryey laba maalmood ka hor ayaa gelinkii hore ee shalay xafiiska ugu tegey ninka Armenian-ka ah ee madaxda ka ah Barnaamujka hay’adda HALLO TRUST ee Somaliland. Waxana la sheegay inuu ku ridey xabbad baastooladeed, taas oo kaga dhacday Caloosha. Hase yeeshee, waxa isagana xabad lugta kaga dhaawacay ilaalada Booliska ah ee xafiiska hay’adda, isla markaana gacanta ku dhigay ninka falka geystey. Waxaana labada ninba dhaawacooda la geeyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo qalliino fudud iyo daaweyn loogu sameeyey.

Waxa la sheegay in labada ninba dhaawacoodu fudud yahay. Ninka Armenian-ka ah ayaa la sheegay in dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in xabaddu ay calooshiisa ka gudubtey, mindhiciradana aanay jarin, halka ninka muwaaddinka ah laftiisa la sheegay in xabbadda oo kaga dhacday lugtu aanay jebin lafta.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cabdilaahi Ciro), oo falkan ka hadlay ayaa isaguna sheegay in Ciidamada nabad-gelyadu ay baadhayaan arrintan, isla markaana ay gacanta ku hayaan Baastooladii falkaa lagu galay iyo ninka ku eedaysanba.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in eedaysanaha falkan loo qabtay  (Cabdi Madoobe) uu Hay’ada Hollo Trust u shaqaynayay muddo gaadhaysa Sideed Sannadood, islamarkaana uu ka mid ahaa shaqaale dhawaan hayadu dhintay oo xaqiisii la siiyay.

Taliyaha Boliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo isagana wax laga weydiiyay falkan ayaa ku raacay Wasiirka arrintaasi isaga oo sheegay taliyuhu in muddadii heshiiku ka dhamaatay eedaysanaha, Isla maantana la siiyay xuquuqdiisii. Hase-ahaatee, Mr. Cabdi Madboobe oo Warbraahintu dhiniciisa wax ka waydiisay sababta ku kaliftay in uu toogto sarkaalka Ajanabiga ah, ayaa waxa uu ku dooday  in uu duudsiyey xaquuqdiisii mu’waadinimo.

Eedaysanahan ayaa markii danbe loo gudbiyay xarunta baadhista denbiyada oo dhacdadan gacanta ku haysa.

Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqda aadamaha Qaranka Axmed Yuusuf Xuseen ayaa falkan lagu dhaawacay sarkaalka u shaqaynayay Hayadda Miinada dhaleeceeyay. Waxana uu tilmaamay inaanay haboonayn in qofka wax tirsanayaa sharciga gacantiisa ku fushado.
 
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.