Khamiis, January 31, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday ayaa saaka waxay ku dagaalameen xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigely ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa wuxuu yimid kadib markii ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Ciidamo mileteri ah oo ku sugnaa inta u dhaxeysa Isgoyska Aadan Cadde iyo Isgoyska Xarar-yaale, iyadoo dagaalka dhexmarayna uu socday muddo gaaban.
Haweeney mareysay Waddo aan u dheereyn Xerta Shiikh Aadan Dheere ayaa la sheegay in uu dhaawac soo gaaray, taasi oo dhaawaceeda loo qaaday dhinaca Isbitaalka Madiina, mana jirin wax kale oo khasaare ah oo uu dagaalka geystay.
Dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Aadan Cadde iyo Xarar-yaale ayaa wuxuu hakad geliyay isu socodka dadka iyo gaadiidka, inkastoo lagu soo waramayo in ay saacado kadib dib u bilowdeen isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Meesha uu saaka dagaalka ka dhacay ayaa waxay tahay meesha kaliya ee ay ka xiran tahay Wadada Wadnaha oo shalay inteeda badan dib u furantay, kadib markii ay muddo 2 bilood ah u xirneyd Ciidamo deganaa.
Dad guryo deegaan ah iyo goobo ganacsi ku leh hareeraha Wadada Wadnaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Folorenza ayaa waxay ka cabanayaan Ciidamo halkaas ku sugan, iyagoo dowladda federaalkana ka codsaday inay Ciidamadaas ka dul-qaado si ay dib ugu soo noqdaan guryahooda, sidoo kalena ay dib u furtaan goobahooda gaancsiga.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia