Khamiis, January 03, 2008(HOL): Saaka markii uu waaga baryay ayay dadka Muqdisho ku soo tooseen iyadoo Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiro badan ay joogaan qeybo ka mid ah Wadada 30ka oo ay bil ka hor ka baxeen.
Ciidamadaas oo ka soo baxay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa intii ay ku sugnaayeen Wadada 30-ka waxaa weerar ku qaaday Kooxo hubeysan, kuwaasi oo ka dilay hal askari.
Ciidamadaas oo si weyn oo cabsi geliyay dad ku nool inta u dhaxeysa Isgoysyada Cali Kamiin iyo Baar Ubax ayaa mar dambe waxay dib ugu noqdeen halkii ay ka soo baxeen, iyagoo la sheegay in ay horay u sii kaxeysteen labo Nin iyo gaari TOYOTA Runet ah oo ay wateen, kuwaasi oo ay ka qabteen Wadada 30-ka.
Iska hor-imaad ay Dad Rayid ah ku dhaawacmeen oo Muqdisho ka dhacay
Iska hor-imaad Ciidamada Dowladda Federaalka ee jooga Wadada Wadnaha iyo Kooxo hubeysan ku dhexmaray nawaaxiga Xerta Shiikha Aadan Dheere ee Degmada Wardhiigley ayaa waxaa ku dhaawcmay seddex ruux oo rayid ah oo uu ku jiray Maxamed Bashiir Xaashi oo ka tirsan qeybta Tababarrada Idaacadda Shabeelle, kaasi oo la ii sheegay in dhaawaciisa uu sahlan yahay.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha Hubeysan ee uu iska hor-imaadka dhexmaray ayaa waxay qadar daqiiqado ku dagaalameen gudaha Xaafadaha u dhaxeeya Waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka, iyadoo markii dambena ay isla soo galeen Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha.
Iska hor-imaadkaas oo ka dhacay Waddooyin Jid-carri ah oo Suuqa Bakaaraha laga soo galo ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan ganacsigii ka socday Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha, waxaana la arkayay ganacsatada halkaas ku xoogsata oo xiraya goobahooda ganacsiga.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo lagu weeraray Wadada Warshadaha
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federfaalka Soomaaliya oo ka soo baxay Xaruntii Saraakiisha Ciidamada ee Shiirkole ayaa maanta Duhurnimadii waxaa qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ku weeraray Kooxo hubeysan, iyadoo weerarkaas oo muddo kooban socdayna aan la ogeyn khasaarihii uu geystay.
Ciidamada Dowladda ee la weeraray oo ah kuwo dhawaan lagu soo tababaray Xerooyin Ciidan oo ku yaala gudaha dalka Itoobiya ayaa markii la weerarayay waxay ku guda-jireen howlgallo ay ka sameynayeen qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha oo in muddo ah ahayd aag Ciidan oo ay mararka qaarkoodna ay iska hor-imaadyo ka dhacaan.
Ciidamada Dowladda oo Nin Rayid ah ku dilay Via Liberia, Mid kalena kaxeystay
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa saaka aroortii hore waxay Nin ka kaxeysteen Xaafada Via Liberia ee Degmada Waaberi, iyagoo howlgalkii ay ninkaas ku kaxeysanayeen-na ku dilay Nin kale oo la sheegay in uu socday Masjid uu ku soo tukan lahaa Salaaddii Subax. Ninka ay Ciidamada kaxeysteen ayaa la sheegay in uu horay ugu shaqeyn jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga Ammaanka G/Banaadir Siduu u arkaa Waddooyinka xiran?
Guddiga Ammaanka Gobolka Banaadir oo maanta shir ku yeeshay Xaruntiisa Magaalada Muqdisho ayaa gunaanadkii shirkiisa waxaa uu ku sheegay in gacanta lagu dhigay 18 Askari oo la soo qabtay iyagoo falal dhac ah geysanayay, wuxuuna intaas ku daray in sidoo kale sharciga la horgeyn doono askarigii falalkaas oo kale ku kaca. Sidoo kalena waxaa uu sheegay Guddiga Ammaanka in lagu soo wargeliyay in ay jiraan Waddooyin xiran oo aysan dadku mari karin, sidaas darteedna wuxuu Guddigu caddeeyay in aaney jirin Waddooyin u xiran.
Ugu dambeyntiina hadalka uu soo saaray Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo bil ka badan ay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha u xiran tahay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugan inta u dhaxeysa Isgoysyada Aadan Cadde iyo Folozena.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia