Khamiis, January 03, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa saaka waxay ku soo noqdeen qeybo ka mid ah Wadada 30-ka oo ay horay uga baxeen, iyagoo meelaha ay ku soo noqdeena howl-gallo ka bilaabay.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo ka soo baxay Garoomka Kubada Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxay isku fidiyeen min Isgoyska Cali Kamiin ilaa Isgoyska Baar Ubax ee Degmooyinka Wardhiigley iyo Hodan, iyadoo sidoo kalena la sheegayo in ay gudaha u galeen xaafadaha u dhow Wadada 30-ka.
Markii ay Ciidamada halkaas tageen kadib ayaa waxaa la arkayay dad guryahoodii ka soo baxay oo xaafadaha dhexdooda ku sii lugeynayay, iyagoo ka cararayay in ay waxyeello u geystaan Ciidamada Itoobiya.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiyaanka markii ay gaareen nawaaxiga Isgoyska Cali Kamiin halkaasi askari looga dilay, kadibna ay fureen rasaas tiro badan oo qaarkeed ay dad rayid ah ku dhaawacmeen.
Mar sii horeysay ayay ahayd markii ay Ciidamo Itoobiyaanka oo soo degay Wadada 30-ka ay halkaas ku dileen dad boqol ruux ka badan, iyagoo halkaasna ku sugnaa muddo bil ah oo ay weli deganaayeen guryo ay dadkii lahaa ka barakaceen.
Howlgalka ay Ciidamada Itoobiyaanka sameynayaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeenadii aan ka soo gudubnay ee xalay iyo habeen hore ka horeeyay weerarro xooggan lagu qaaday fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa AMISOM.
Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Wadada Wadnaha ayaa markii ay arkeen dadkii ka soo gadoomay Wadada 30-ka ee ka soo cararay Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay iyana bilaabeen in ay dhaqdhaqaaq bilaabaan, iyagoo mararka qaarkoodna rasaas kor u ridaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia