Khamiis, January 03, 2008(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddoodii dib u helay labo samafale oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain, kuwaasi oo dhamaadkii bishii hore lagu af-duubtay gudaha magaalada Boosaaso.
Labadan Samafale oo muddo todobaad ah ay heysteen Kooxo af-duubtay ayaa waxaa sii deyntooda dadaal u galay Odayaasha Magaalada Boosaaso iyo maamulka Puntland, iyadoo aakhirkiina lagu guuleysto in la sii daayo samafalayaashaas oo lagu magacaabo Drs. Marcediz Garcia (Spain) iyo Kalkaaliso Pilar Bauza (Argentina).
Wasiirka Caafimaadka Puntland C/raxmaan Siciid Maxamed oo ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo si weyn ugu howlanaa sii deynta labadaas gabdhood ayaa wuxuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotelka International Village ee magaalada Boosaaso in wada hadal kadib ay kooxihii af-duubka geystay ay si shuruud la’aan ah ku sii daayeen labada Samafale, isagoo gaashaanka ku dhuftay in lacag madax-furasho ah la siiyay kooxihii af-duubka geystay.
Sidoo kalena Danjire Nicolas Martin oo ah Safiirka Dowladda Spain u fadhiya Dalka Kenya ayaa isna shirka Jaraa’id ka hadlay, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in la sii daayay samafalayaashii u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain, wuxuuna u mahadceliyay Odayaasha iyo Maamulka Puntland ee ku guuleystay in la sii daayo labadaas hablood oo intii ay ku jireen gacanta af-duubayaasha aan wax dhibaato ah loo geysan.
25-kii bishii hore ayay ahayd markii ay kooxo hubeysan af-duubteen labadan Samafale, xili ay ku sii jeedeen Xarun lagu quudiyo Caruurta Nafaqo-darrada heyso oo ku taala Xaafadda Raf iyo Raaxo ee Bariga Magaalada Boosaaso, iyadoo ay xusid mudan tahay in maalin ka hor xiliga la af-duubanayay gacanta af-duubayaal kale laga sii daayay Wariye Gwen Le Gouil oo u dhashay Dalka Faransiiska, isla markaana u shaqeynayay Taleefashinka Channel 5 ee Dalkiisa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegayaan in Samafalayaashii la sii daayay iyo Safiirradii dalalkooda u dhashay ay saaka ka dulleen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia