Sabti,, January 26, 2008(HOL): Kolonyo Ciidamo ah oo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qarxiyay miino loogu aasay wadada dhinaceeda, xili ay marayeen nawaaxiga Dugsigii sare ee Booliska.
Dad goob-joogayaal ah oo ku sugnaa nawaaxiga halka uu qaraxa ku qabsaday Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in mid ka mid ah Gaadiidkii ay ku socdeen Ciidamadaas uu burbur soo gaaray, isla markaana uu sidoo kale jiro khasaare soo gaaray Ciidamadii saarnaa, inkastoo aysan sheegin inta uu la egyahay dhibka soo gaaray Ciidamada AMISOM.
Ciidamada Qaraxa lagu weeraray oo ah kuwa Uganda ayaa markii la qarxinayay waxay ka yimaadeen Dekedda weyn ee Muqdisho oo ka mid ah Goobo faro ku tiris oo ay ammaankooda sugayaan, waxayna ku sii jeedeen xaruntooda dhexe ee ku taala Dugsigii Tababarka Xalane.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, kaasi oo ku saabsan inta uu la egyahay khasaaraha ka soo gaaray Qaraxa Miino ee lagu weeraray.
Waa markii labaad oo qarax Miino loo dhigo Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, waxayna ahayd bartamihii bishii May ee sanadkii hore markii Miino loogu aasay nawaaxiga Hotelkii Curuba oo ku qaraxday ay kaga dhinteen afar askari, halka shan kale ay kaga dhaawacmeen.
Ciidamada Uganda oo aan wax dhibaato ah kala kulmi jirin kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ayaa haatan waxaa fariisimadooda lagu qaadaa weerarro xooggan sida Ciidamada kale ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.
Ugu dambeyntiina, Weerarradan lagu qaadayo Ciidamada Uganda ayaa waxay bilowdeen kadib markii mas’uuliyiin u hadlay Ururka Al-Shabaab ay sheegeen in Ciidamada Uganda, Itoobiya, Mareykanka iyo kuwa la soo wado ee Afrikaanka ah aysan waxba isu dhaamin, isla markaana ay si isku mid ah u weerari doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia