26-ka Janaayo: Maalinta Madasha Soomaaliyeed oo Magaalada Beledweyne looga dooday Difaaca Caruurta iyo Dhowrista Xuquuqda ay leeyihiin

Sabti, 26 Jan. 2008 (HOL): 26-ka Janaayo Maalinta Madasha Soomaaliyeed ayaa kulan lagu qabtay Magaalada Beledweyne waxaa looga dooday Qodob ku saabsan dhowrista iyo difaaca Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.
 
Ururka Daryeelka Caruurta ee HAPO-CHILD oo soo agaasimaya Madasha ayaa ugu horeyn ka waxaa ay Mas'uuliyiin u hadashay sheegeen sababta ay u doorteen in looga Doodo kulanka dhowrista iyo difaaca Xuquuqda ay lee yihiin caruurtu tahay markii ay arkeen dhibaatada heysta in badan oo ka mid ah caruurta Soomaaliyeed.
 
Cabdi Yuusuf Baarey oo ah madaxa Ururka soo agaasimay kulanka oo ka hadlay ayaa sheegay Maata marka la eego tacadiyada ugu badan ee dhaca yihiin dadka ay Sameyta ku yeeshaan Caruurta, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay Baarey Caruurta aan helin fursado la xiriira wax yaabaha aas aasiga u ah nolasha Qofka Bani'adamaka ah.
 
Waxaa lagu soo bandhigay Madasha muuqaalo ka turjumaya dhibaatada heysta Caruurta ku dhaqan Gobalka Hiiraan kuwaasoo muujinayay sida maanta Bulshada soomaalidu xilka isaga saarin ilaalinta Xaqa uu lee yahay ilmaha yar, waxaana dhinacayadii ka soo qeyb-galay madasha isla qireen in muuqaaladu yihiin kuwo sax ah oo intooda badan ka turjumaya sida Mujtamucu ula dhaqmo caruurta ku nool suuqa ama aan waalidka laheyn.
 
''Maanta marka la eego Caruurta Dib-jirka ah ama ku nool suuqa waa kuwo aan heysan Wax-barasho, Caafimaad, iyo Nolal ku filan intaba ayuu Yiri Baarey oo intaa raaciyay in hadii ay bulshadu arintaa xil gaar ah iska saari laheyn la dabooli lahaa dhamaan baahiyaha jira.
 
Waxaa sidoo kale madasha laga sheegay farqiga u dhaxeeya Caruurta maata ku nool Daribiyada iyo kuwii hore oo sida la tilmaamay ku kala duwan dhinaca Wax-barashada waayo ayaa laga sheegay kulanka in Macalimiinta wax ka dhigta Dugsiyada intooda badan marka ay dib Taariikhdooda kaaga sheekeeyaan waxaa kuu soo baxay in ay ahaayeen kuwo wax bartay iyaga oo ka shaqeysta suuqyada, lakiin kuwa hadda jira ma'aha ayaa la yiri kuwa helay fursadaa oo kale.
 
Dooda oo aheyn mid xiiso badan u yeelatay dhinacaydii ka soo qeyb-galay ayaa ugu danbeytii lagu soo gunaanaday in laga wadda shaqeeyo sidii loo ilaalin lahaa islamarkaana loo difaaci lahaa Xaquuqda Caruurta oo ah kuwo aan xil gaar ah layska saarin gudaha Bulshada.
 
Ururka Daryeelka Caruurta ee HAPO-CHILD oo ah mid ka shaqeeya dhowrista Xuquuqda Caruurta ayaa ku booriyay dhinacayadii ka soo qeyb-galay Madasha in xoooga la saaro laguna dadaalo sidii loogu raadin lahaa Caruurta Wax-barasho ku filan waxaana hadda muuqneysa in dadaalkiisu yahay mid hergalay iyada oo dhawaan laga furay magaalada Beledweyne Dugsi lacag la'aan ah oo wax lagu baro Caruurta agoonta ah iyo kuwa ka soo jeeda Qoysaska danyarta ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia