Sabti,, January 26, 2008(HOL): Gaari MITSUBISH ah oo ay saarnaayeen Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ku qaraxday miino loogu dhigay agagaarka Shineemo Ceel Gaab ee Degmada Xamar-weyne.
Qaraxaas Miino oo ahaa mid si weyn looga maqlay waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sababay inay geeriyoodaan 3 ruux oo isugu jiray mid ka mid ah Ciidamadii gaariga saarnaa iyo labo ruux oo rayid ahaa oo wadada marayay, halka ay dhaawacmeen afar ruux oo kale.
Dad goob-joogayaal ah oo ku sugnaa meel u dhow halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay sheegeen in ciidamada miinada loo dhigay ay ilaalinayeen rag ajnabi ah oo wararka qaarkood ay sheegayaan in ay ahaayeen Wariyayaal, halka warar kalena ay sheegayaan in uu ahaa wafdi u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Daqiiqado kadib qaraxaas ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo baaritaanno ku sameeyay agga uu qaraxa ka dhacay, inkastoo aan la sheegin cid ay howlgalkooda ku qabteen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxa lala eegtay Ciidamadan ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo xaafado ka tirsan Degmada Hodan habeenkii xalay ahaa lagu garaacay madaafiic hoobiyayaal ah, kuwaasi oo geystay dhaawaca 10 ruux oo rayid ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia