Khamiis, January 24, 2008(HOL): Gudoomiyihii Xisbiga Udub ee Degmada Gabiley Xuseen Nuur Bakaal (Soobe) ayaa shalay ku geeriyoodey shil baabuur oo ka dhacay Jidka isku xidha Kalabeydh iyo Gabiley, Islamarkaana isla shalayba waxa marxuumka lagu aasay magaalada Gabiley.
Alla ha u xaxariistee Aaska Marxuumka waxa ka qaybgalay, dad aad u tira badan oo ka kala tagay qaar badan oo ka mid ah magaalooyinka Somaliland, sida caasimada Hargeysa oo ay ka tageen masuuliyiin badan oo isugu jira axsaabta qaranka iyo Golayaasha dawlada Somaliland, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Ciro), Wasiirka Madaxtooyada Aw Nuur Aamin Ismaaciil, Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa, Dr Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ahaa madaxdii ka soctay Xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Dadweyne kale oo aad u tiro badan
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Xuseen Nuur Bakaal (Soobe) waxaanu marxuumka Ilaahay uga baryay inuu janadii ka waraabiyo intii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland