Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo guddi u magacaabay midaynta Eedaanka Salaadda si hal mar loo wada Eedaamo

Khamiis, January 24, 2008(HOL):  Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo Xafiiskiisa ku Qabtay Shir Jaraa’id ayaa Shaaca ka Qaaday inuu Magacaabay Guddi ka Kooban Shan Xubnood oo ka Hawl geli doonta Midaynta Eedaanka Salaadaha ee Masaajidada Dalka oo Adimaada ku kala danbayn Jiray Wakhti ahaan.

Wasiirku Waxa uu sheegay inay Muddo dheer wadeen Cilmi Baadhis iyo Daraasad ku saabsan sidii loo heli lahaa Wakhti isku Mid ah oo ku saabsan Eedaanka Salaadaha, kaasoo uu sheegay in laga sameeyay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan, waxaana Wasiirku uu Tibaaxay inay Dhawaan Hawshaasi Bilaabi Doonaan .

Waxaanu Wasiirku intaas uu Raaciyay in laga Raysan Doono kala danbayntii Eedaanka Salaadaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Maxamuud Axmed Cali ayaa isna Tilmaamay in Guddidaasi ay ka hawl geli doonaan Daryeelka Masaajidada ee Dhinacyada Biyaha, Laydhka iyo Midaynta Wakhtiga eedaanka Salaadaha.

Guddidaas uu Magacaabay Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland oo ka kooban Shan Xubnood waxay kala yihiin

1) Sheekh ismaaciil Cabdi Hurre "Ismaaciil Dheyg"
2) Sheekh Khaliil Cabdalle Axmed
3)Sheekh Maxamed Aadan Muxumed
4) Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Cabdi
5) Sheekh Maxamed ismaaciil Khayre
 
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.