Khamiis, January 24, 2008(HOL): Ciidamo ka tirsan Waaxda Nabad-sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay baaris ku sameeyeen Xarunta Idaacadda Somaliweyn iyo guriga Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir oo ka tirsan Wariyayaasha Idaacaddaas.
Ciidamadan ayaa markii ay labadaas goobood baarista ku sameynayeen waxay la soo baxeen oo ay wateen Warqado ay siteen Xeer Ilaaliyaha guud ee Dowladda Federaalka, Taliska Nabad-sugidda iyo weliba Maxkamadda Ciidamada Dowladda Federaalka, iyagoo sheegay in aysan jirin dhibaato ay geysanayaan, kaliyana ay howlgal baaris ah fulinayaan.
Ciidamada ayaa Xarunta Idaacadda Somaliweyn waxay ka qaateen Computer yaalay Xarunta Idaacadda, kaasi oo ay Idaacadda adeegsan jirtay, iyagoo kadibna u qaatay dhinaca Xarunta Baarista Xisbiga.
Sidoo kalena, Ciidamadu waxay baaris ku sameeyeen guriga Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir, iyagoo sidoo kalena tusay waalidiinta Wariyaha warqaddii ay wateen, waxayna sidoo kalena halkaas ka qaadeen Computer uu si gaar ah u lahaa Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir waa sida uu sheegay Abuukar Maxamed C/qaadir oo ay Wariye Bashiir walaalo yihiin.
“Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir iyo Waalidiintiisa waa ay is-arkeen, waxayna Ciidamada u sheegeen in qalabka laga qaaday dib loogu soo celiyo kadib marka la baaro”ayuu yiri Abuukar Maxamed C/qaadir.
Waxaa xusid mudan in intii ay Ciidamada howlgallada sameynayeen uu la socday Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir, kaasi oo sida muuqatay loo soo kaxeeyay in uu fur-furo Computerrada si loo qaado.
Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Ciidamada Nabad-sugidda oo ku saabsan sababta loogu baahday in la baaro Computerrada laga kala qaaday Idaacadda Somaliweyn iyo guriga Wariye Bashiir iyo weliba sababta ay maalintii 11aad u xiran yihiin Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Xudeyfi iyo Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir (Al-Bashiir) oo ka mid ah Wariyayaasha Idaacaddaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia