Nigeria oo 500 oo Askari u soo direysa Soomaaliya

 Talaado, January 15, 2008(HOL): Dowladda Nigeria oo ka mid ah dowladihii hore u ballanqaaday inay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaarisay Ciidamo ka qeybgala howlgallada nabad-sugidda ah ee ay Ciidamada Midowga Afrika ka wadaan magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee Ciidamada Nigeria ninka lagu magacaabo Brig-Gen. Solomon Giwa-Amu ayaa sheegay in ay Dowladdiisa u direyso Soomaaliya 500 oo Askari, kuwaasi oo ka qeybqaadan doona howl-gallada nabad ilaalinta ah ee ay Ciidamada Midowga Afrika ka wadaan magaalada Muqdisho.

Mas’uulka u hadlay Ciidamada Nigeria oo warfidiyeenno kula hadlayay magaalada Monrovia ee dalka Liberia ayaa wuxuu sheegay in ay diyaariyeen Ciidamada ay u dirayaan Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay kaliya sugayaan in la daad-gureeyo.

Nigeria ayaa horay waxay horay ciidamo ugu dirtay Dalalka  Liberia, Sudan, Burundi, Western Sahara, Sierra Leone, Cote D’ Ivoire, Guinea iyo Ethiopia, iyadoo haatanna ay Ciidamo u soo direyso Soomaaliya.

Ciidamadan ay Nigeria u soo direyso Soomaaliya ayaa waxay qeyb ka yihiin 8,000 oo Askari oo uu Midowga Afrika u ballanqaaday Dalka Soomaaliya, iyadoo Nigeria ay noqoneyso Dowladdii seddexaad ee Ciidamo u dirto Soomaaliya, waxaana horay Soomaaliya Ciidamo ugu diray Dalalka Uganda iyo Burundi oo aan ciidamadeeda soo dhimeystirin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dalal kale oo Midowga Afrika ka tirsan ayaa la filayaa in ay iyana Ciidamadooda u diraan Soomaaliya, waxaana Dowladahaas ka mid ah Ghana iyo Mali, inkastoo ay dowladahaas ka cabanayaan dhaqaale la’aan ka heysata dhinaca daad-gureynta Ciidamadooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia