Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel Carfiid iyo Muqdisho oo xalay deganeyd

Talaado, January 15, 2008(HOL): Deegaanka Ceel Carfiid oo ku yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad ayaa habeenkii xalay waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaas ku sugan iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Dagaalka oo qadar daqiiqada ah socday ayaa wuxuu si weyn u cabsi geliyay dad ku dhaqan Deegaanka Ceel Carfiid, kuwaasi oo qaarkood intii dagaalka socday u barakacay deegaano Duur ah oo aan u dheereyn halka ay deganaayeen.

Lama oga wax khasaare ah oo dhinacyadii dagaalamay soo gaaray waayo xiliga dagaalka dhacay wuxuu ahaa habeen, mana jirin cid xaqiijin kartay khasaaraha uu dagaalka geystay.

Dadka ku dhaqan deegaanka Ceel Carfiid ayaa waxay ahaayeen kuwo dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho maqli jiray oo kaliya, wuxuuna u ahaa dagaalkii ugu horeeyay oo dushooda ka dhaca tan iyo markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegtay gacan ku heynta Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Deegaanka Ceel Carfiid ayaa waxay sheegayaan in ay saaka degan tahay xaaladda deegaankaas, isla markaana ay dadka si caadi ah u wataan howl maalmeedkooda.

Dhanka kalena Xaaladda magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ahayd mid degan oo aysan wax dagaallo ah ka dhicin, inkastoo shalay, habeen hore iyo habeenkii ka sii horeeyay ay dagaallo xooggan ka dhaceen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia