Talaado, January 15, 2008(HOL): Illaa todoba ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacyo ka soo gaadheen dagaal laba Beeleed ku dhexmaray deegaan ka mid ah Dooxa Harawo oo lagu magacaabo Haddaawi.
Deegaanka Harawo oo qiyaastii 25-km dhinaca Galbeed ka xiga xarrunta Gobolka Awdal ee Boorama Islamarkaana ka mid ah Soonka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya oo ka mid ah degmada Aw Bare ayaa sida wararku sheegayaan waxa uu ka danbeeyay muran mudo soo jiitamayay oo dhinaca dhulka ah oo laba Beelood oo halkaa wadda dega u dhexeeyay,
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi habeen hore ka dhacay Dooxa Harawo ayaa la soo gaadhsiiyay cusbitaalka magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland. halka kuwo kalana la sheegay in loo qaaday dhinaca magaalada Dhar-wanaaje oo ka mid ah Soonka Shanaad ee Itoobiya.
Warku waxa uu intaa ku daray in Odayaal iyo waxgarad kale oo isu abaabulay inay damiyaan shaqaaqada ka dhex-taagan labada beelood ee walaalaha ahi ay jiraan.
Xildhibaan ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland ayaa xaqiijiyay in dagaalkan ay Ku dhinteen inta la hubo Lix qof oo labada dhinac ahi, islamarkaana ay ku dhaawacmeen dad ku dhaw tobaneeyo ruux. Xildhibaanka oo aanu wax ka weydiinay inay Guurti ahaan Odayaal u dirayaan shaqaaqadan ayaa waxa uu yidhi. “Guurtida waan u sheegnay Maanta shaqaaqada, Laakiin ilaa hadda wax warbixin ah kama hayno maamulka.” Sidaas ayuu yidhi,
Wararka laga helayo deegaanka dagaalku ka dhacay ee dooxa Harawo ayaa iftiiminaya in ciidamo ka socda dawlada Itoobiya ay soo kala dhexgaleen labadaasi beelood oo la sheegay Inay is hor fadhiyaan.
Dhawr Goor oo hore ayaa sidan oo kale shaqaaqo u dhaxaysa labadan beelood uga dhacday deegaankaasi, taasoo ay wakhtigaa ku kala guntadeen odayaasha iyo waxgaradka beelaha kale ee deegaankaasi.
Ciidamada amaanka Somaliland ee ku sugan Gobolka Awdal ayaa heegan la geliyay sida uu sheegay Wariye Jirde, si looga hortago in dagaalku fido. Waxana arrintani u baahantahay gurmad laxaadleh oo shaqaaqooyinkan soo noqnoqday xal kama danbays ah u raadiya.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland