Khamiis, 10 January 2008 (HOL)- Qof kasta oo adduunyada guudkeeda ku nooli, mar walba oo uu maqlo Sanad cusub, waxa maankiisa ku soo dhacaysa in maalinta uu bilowga yahay ay tahay maalin ka duwan maalmaha kale. Waxaanu isku dayaa inuu hambalyo iyo bogaadin u diro cidda ugu dhaw ama uu ka gaadhi karo. Sidaynu ognahay inta ugu badan ee taariikhda adduunka la tirsado, waxa jira laba Munaasibadood oo la xuso tirsiga taariikhaha, waa tirsiga taariikhda Islaamka ee Hijriyada iyo sidoo kale tirsiga Miilaadiga. Madax kasta iyo Masuul kasta oo cid horjooge u ahi wuxuu munaasibadahaa hadba ta ka khusaysa uu hambalyo u diraa cidda uu hoggaamiyo.
Dabcan, Madaxweyne Rayaale wuxuu ka mid yahay Madaxda farxadaha Munaasibaddaha sanadaha cusub hambalyada hawada u mariya dadweynaha uu M/weynaha u yahay, isla markaana la qaybsada dadweynaha ducada sanadka cusub.
Haddaba akhriste, toddobaadkii aynu ka soo gudubnay waxa is-daba socday laba munaasibadood oo sanado cusub ah, oo ah kuwaynu soo sheegnay ee Hijriyada iyo Miilaadiga. Taas oo cid waliba uga fadhiday M/weyne Rayaale inuu dadkiisa hambalyo u diro hadba munaasibadda khusaysa dadka uu M/weynaha u yahay. Sida xaqiiqda ah dadka reer Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidu waa dad Islaam ah 100%, sidaa darteed waxaad garan kartaa in Munaasibadda khusaysaa ay tahay tirsiga Taariikhda Hijriyada. Hase ahaatee waxa uu Madaxweyne Rayaale hambalyo u diray dadweynaha Munaasibadda sanadka cusub ee 2008.
“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin wxuu dhambaal Hambalyo ah u diray dhamaan Shacbiga Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan Munaasibada sanadka cusub awgeed. Madaxweynuhu wuxuu shacbiga Somaliland u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan Bash Bash, Barwaaqo iyo Ictiraaf, kana mid ah Bulshada Caalamka.” Sidaa waxa lagu yidhi Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynuhu. Kaas oo saxaafadda la soo gaadhsiiyay habeenkii uu bilowga ahaa sanadkan cusub ee 2008.
Dabcan, qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan guud ahaan Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa, waxay u dheg taagayeen oo ay ka dhursugayeen Madaxweynaha maadaama uu xusay sanadka cusub ee 2008 ee Miilaadiga, inuu sidoo kale xusi doono sanadka cusub ee Islaamka ee 1429-ka. Hase ahaatee, inkasta oo uu Madaxweyne Rayaale socdaal ku marayay dalka Itoobiya markii uu soo galay sanadkan cusub ee Islaamku, haddana Afhayeenka Madaxtooyada iyo M/weyne ku-xigeenka oo ah ku-simaha M/weynaha, ayaan wax hambalyo ah u dirin dadweynaha Somaliland iyo guud ahaan Islaamkaba, isla markaana aan xusin sanadkan Islaamka ee bilowday. Marka laga reebo Wasiirka Awqaafta oo shacabka ku wargeliyay curashada sanadka cusub ee 1429.
“Madaxweynuhu waxa kale oo uu hambalyo u diray dhamaan Shucuubta Islaamka oo dhan” Weedhahaas oo ka mid ahaa Warsaxaafadeedkii hambalyada ahaa ee M/weyne Rayaale u diray curashada sanadka cusub ee 2008, ayaa waxay dadku la-yaab ka muujiyeen Munaasibadda uu M/weynuhu hambalyada u dirayo Umadda Islaamku inay tahay Taariikhda Miilaadiga ah, oo dabcan aan ahayn tirsiga taariikhda Islaamka. Waxaanay sheegeen inay ka wanaagsanaan lahayd inuu Umadda Islaamka hambalyada u diro Munaasibadda sanadka cusub ee 1429. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay dad badani isweydiinayaan sababta M/weyne Rayaale u xusay sanadka cusub ee 2008 ee uu u xusi waayay sanadka Islaamka ee 1429. “Waxay ahayd in M/weynuhu halka uu sanadka cusub ee 2008 ka leeyahay Umadda Islaamka ayaan hambalyo u dirayaa, inuu sanadka Islaamka ee 1429-ka hambalyada u diro Umadda Islaamka” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka ku nool Hargeysa, oo fikirkiisa ka cabbirayay arrintan.
Isku soo wada duuboo, qof kastaa wuu garan karaa in Madaxweyne Rayaale labadan Munaasibadood ee sanadaha cusubi uu sanad cusub u ahaa sanadka Islaamka ee 1429, hase ahaatee kaliya waxay dadku tebeen oo ay isweydiiyeen sababta uu labada Munaasibadood u kala reebay xuskooda. Si kastaba ha ahaatee, waxaynu Ilaahay ka baryaynaa in sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo nabad qab iyo wacnaan.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland