Ciidamada Ammaanka Puntland iyo Kooxo la sheegay in ay ka dambeeyeen Af-duubyo dhawaan ka dhacay Gobolka Bari oo ku dagaalamay Bariga Boosaaso

Khamiis, January 10, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Goblka Bari ayaa waxay sheegayaan in uu maanta halkaas dagaal ku dhexmaray Ciidamada Ammaanka Puntland kooxo la sheegay in ay ka dambeeyeen af-duubyo dhawaan ka dhacay Magaalada Boosaaso oo loo kala geystay Samafalayaal u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain iyo Wariye u shaqeynayay TV5.

Dagaalka labada dhinac dhexmaray ayaa wuxuu bilowday kadib markii saaka Ciidamada Ammaanka Puntland ay hareereeyeen guri ku yaala xaafadda Biyo-Kulule ee bariga Boosaaso, kaasi oo loogu sheegay in ay ku sugan yihiin kooxo ka dambeeyay af-duubyo dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso.

Sida ay noo xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugan magaalada Boosaaso oo aan la xiriirnay dagaalkaas waxaa ku dhintay hal Qof oo ka tirsanaa Kooxihii Guriga lagu weeraray, halka ay dhaawacmeen10 ruux oo labada dhinac isugu jiray.

Dagaalka oo markii hore ka dhex bilowday Ciidamada Ammaanka Puntland iyo Kooxaha Guriga lagu weeraray ayaa markii dambe wuxuu dagaalka isugu rogay mid ballaaran kadib markii ay dagaalka soo galeen maleeshiyooyin gacan siinayay Kooxihii ay Ciidamada weerarka ku qaadeen, waxayna markaasi kadib ay xaaladda noqotay mid cakiran.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland S/Guuto C/Casiis Saciid Gacamey ayaa sheegay in ay doonayaan in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay Af-duubkii dhawaan ka dhacay Magaalada Boosaaso, wuxuuna caddeeyay in aysan sii deyn doonin oo ay baacsan doonaan ilaa ay gacanta uga soo dhigaan.

Dagaalka maanta ka dhacay bariga magaalada Boosaaso ayaa wuxuu walaac ku abuuray dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso oo iyagu aan u baran dhaqanka colaadaha iyo dagaallada.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkan dambe waxaa ku soo badanayay falal nabadgelyo darro ah oo aan looga baran sida af-duubka dadka iyo Gaadiidka Badda iyo Cirka, waxaana la xusuustaa in dhawaan Magaalada Boosaaso lagu af-duubtay Wariye Ajnabi ah iyo Samafalayaal u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain, sidoo kalena dhawaan ayay ahayd markii garoonka diyaaradaha Boosaaso laga af-duubtay diyaarad Qaad ku dejisay, halka Dekedda Boosaasana ay kooxo Burcad Badeed ah la tageen Markab ay ka qabsadeen Xeebaha Soomaaliya, inkastoo markii dambe ay sii daayeen Markabkaas oo laga lahaa Dalka Japan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia