Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Xukuumaddii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde

Khamiis, January 10, 2008(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xaruntiisa KMG ah ee Baydhabo ayaa wuxuu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xukuumaddii tirada badneyd ee uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Kulankii maanta oo ay ka soo xaadireen 230 mudane ayaa waxay 223 mudane waxay codka kalsoonida siiyeen Xukuumada cusub ee Soomaaliya, halka 5 mudane ay diideen 2 mudane oo kalena ay ka aamuseen.

Intii aysan bilaaban kalsooni-siinta Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyay labo mooshin oo ku kala saabsanaa in Xukuumadda si qarsoodi ah loogu codeeyo iyo in kalsooni-siinta ay u dhacdo si gacan-taag ah.

149 Xildhibaan ayaa waxay soo jeediyeen in ay kalsooni-siinta noqoto mid u dhacda qaab gacan-taag ah, halka Xildhibaanno kale oo tiradooda gaareysay 43 Mudane ay doonayeen in ay qarsoodi noqoto kalsooni-siinta, inkastoo markii dambe ay Xildhibaannada isku waafaqeen in si gacan-taag ah loogu codeeyo Xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal Wasaar Nuur Cadde.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo hadal jeediyay kadib markii ay Xukuumaddiisa codka kalsoonida heshay ayaa wuxuu sheegay in wajihi doonaan howsha ballaaran ee hortaala, isagoo caddeeyay in ay Xukuumaddiisa ku shaqeyn doonto qorshe howleedyadii uu Baarlamaanka u gudbiyay.

Ra’iisal Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu ku celiyay hadal uu horay u sheegay oo ahaa in ay Xukuumaddiisa xoogga saari doonto Nabadgelyada, Dib u heshiisiinta iyo Fududeynta gargaarka bani’aadannimo, isagoo dhinaca kalena Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay qabtaan haddii ay arkaan isagoo waddo qaldan ku socda, sidoo kalena ay ku taageeraan haddii ay arkaan isagoo wadada saxda ah ku socda.

Si kastaba arintu ha ahaatee, Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay tahay mid aad uga tiro-yar Xukuumado horay u soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana laga sugayaa in ay qabato howlo ay ugu muhiimsan yihiin Dib u heshiisiinta, soo celinta nabadgelyada,  Dib u dhiska dalka, Diyaarinta Dastuurka Federaalka, Tirinta Dadka iyo weliba diyaarinta doorashooyin xor ah, iyadoo waqtiga u harsanna uu yahay mid aad u yar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia