Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo dib ugu soo noqday Xaafado ka tirsan Degmada Hodan oo ay horay uga baxeen

Jimco, February 08, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay xaafado dhowr ah oo ay horay uga baxeen todobaad ka hor, iyadoo Ciidamadanina ay ka tirsan yihiin Taliska Mileteriga.
 
Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa la sheegay in ay ku soo noqdeen Xaafadaha African Village, Tareebuunka iyo Kaasabolbollaare ayaa waxaa lagu arkayaa waddooyinka dhexmara xaafadahaas, iyadoo xaafadahaasna ay u badan yihiin kuwo ay mar hore dadkii degaanaa ka baro-kaceen.
 
Dib u soo laabashada ciidamadan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo habeennadii aynu ka soo gudubnay ay dagaallo ka dhacayeen xaafado ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaan fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

Ciidamadan ayaa markii ay ka baxeen xaafadaha ay ku soo laabteen waxaa soo dhaweeyay dadkii xaafadahaas ku noolaa oo haatan ku nool inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo xitaa qaarkood bilaabay in ay dib ugu soo noqdaan xaafadahooda.

Intii ay Ciidamadan dib ugu soo noqonayeen xaafadaha ka tirsan Degmada Hodan saaka ayaa waxaa laga maqlayay nawaaxiga Warshaddii Caanaha rasaas iyo qaraxyo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, inkastoo uusan labada dhinac dhexmarin dagaal xooggan oo waqti dheer socday.

 Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaafado dhowr oo ku yaala Degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag, Wardhiigley, Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa waxaa noqdeen kuwo haawanaya oo ay ka barakaceen dadkii deganaa, kadib markii ay xaafadahooda noqdeen kuwo ay mar kasta ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia