Jimco, February 08, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in uusan aqoonin qaabka ay u socoto Dib u heshiisiinta ay waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid Suuq madow ah oo aan ku socon qaabkii loo baahnaa.
“Dib-u-heshiisiin Suuq Madow ah aniga ma aqaano, Dib-u-heshiisiin haddii la doonayana waa in ay noqotaa mid ka timaada Golaha Wasiirrada, kadibna Baarlamaanka loo gudbiyo”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in aysan Dib u heshiisiinta ahayn mid si shakhsi-shakhsi ah ay dowladda dadka ka soo horjeeda ula geleyso.
“Waxaan qabaa in ay dib u heshiisiinta noqoto mid hoos laga soo bilaabo min Tuulo,Degmo ilaa Gobol, kadibna ay u soo gudubto heer Qaran, iyadoo ay hormuud ka noqonayaan dib-u-heshiisiintaas Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, maxaa yeelay waxaa la ogyahay in ay dadka Soomaaliyeed Beelo-Beelo isu dileen”ayuu yiri Maxamed Dheere.
Mar wax laga weydiiyay qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho oo u xirmay sababo la xiriira ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo fariisimo ka sameystay waxaa uu sheegay Maxamed Dheere in aysan jirin waddo Ciidamo u xiran, wuxuuna caddeeyay in ay Dadka iyo Gaadiidka u furan yihiin Waddooyinka.
“Ciidamada iyaga oo Waddooyinka jooga ayay Dadka iyo Gaadiidka isticmaali karaan, mana xirno laakin annaga warkooda kuma jirno Dad doonaya in ay arrimo kale Waddooyinkaas ku fushadaan, Ciidamadana waa sii joogi doonaan”ayuu yiri Maxamed Dheere.
Hadalka Maxamed Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay beryahan ku howlan tahay qorshayaal ay ugu gogol xaareyso dib u heshiisiin dhexmarta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxaha ka soo horjeeda, iyadoo la xusuusan yahay in ay Xabsiyada ka sii deysay qaar ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Maxaabiis kale oo ku xirnaa Xero Mileteri oo Gudaha Itoobiya ku taala, kuwaasi oo dhawaan lagu sii daayay Magaalada Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
MAXAMED DHEERE: “Dib-u-heshiisiin Suuqa Madow ah aniga ma aqaano, Dib-u-heshiisiin haddii la doonayana waa in ay noqotaa mid ka timaada Golaha Wasiirrada
More News
- Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo dib ugu soo noqday Xaafado ka tirsan Degmada Hodan oo ay horay uga baxeen
- Gaari ku qalibmay Deegaanka Degmada Cadale oo ay Dad badan ku dhinteen
- Xildhibaankii ugu horeeyay oo caddeeyay in uu iskiis uga baxay Baarlamaanka Soomaaliya
- Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Madaxweyne Cadde Muuse oo ku kulmay Addis Ababa
- Dad ku dhibaataeysan Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo Deeq la gaariiyay