Jimco, February 08, 2008(HOL): C/Casiis Ibraahim Cusmaan oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu cadeeeyay in uu isaga baxay Baarlamaanka Soomaaliya.
C/casiis oo isagoo jooga Magaalada London ee dalka Ingiriiska u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu qaatay go’aanka ka bixitaanka Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu adkeysan waayay xasuuqa lagu hayo dadka Soomaaliyeed.
“Meeshan dowlad kama jirto ninka aad madaxweynaha ugu yeereyso iyo ninka uu Ra’iisal Wasaaraha u soo magacaabay waa rag warar ka soo qaata dowladda Itoobiya oo la soo update-gareeyo, waxaana meesha ka taliya Meles Zenawi”ayuu yiri C/casiis Ibraahim Cusmaan.
C/casiis waxaa uu sheegay in xubnaha ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay badankood yihiin kuwo Baydhabo Qaad isaga cuna oo xabsi ku jira, wuxuuna caddeeyay in uu isagu weligiis ka soo horjeeday in ay dalka Soomaaliya soo galaan ciidamo shisheeye xitaa haddii ay yihiin kuwo ka socda dalalka Islaamka.
Mar wax laga weydiiyay in uu xiriir kala dhaxeeyo Isbaheysiga dib-u-xoreynta Soomaaliya wuxuu sheegay in uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo, wuxuuna intaas ku daray in uu Isbaheysigaas ku biirayo, Reer Koofur ahaanna sida uu yiri uu ugu ololeyn doono sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa Ciidamada Itoobiya.
Hadalka uu sii daayay C/casiis Ibraahim Cusmaan ee ku saabsan in uu ka baxay baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xildhibaano 20 mudane ka badan laga saaray Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ay wax ka aas-aaseen, kana mid noqdeen Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia