COL. AXMED CILMI GUUTO: “Waxaa igu qasbay in aan isaga tago howlihii aan u hayay Dowladda Federaalka Cadaalad darro iyo Daryeel la’aan”

Khamiis, 7, Feb, 2008 (HOL)  Col. Axmed Cilmi Guuto oo ka tirsanaa Guutadda 19aad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo la socdeen Ciidamo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa shira'id oo uu ku qabtay Magaaladda Beledweyne ayaa sheegay in uu tagay shaqadii uu u hayay Dowladda Federaalka.
 
Col. Guuto oo faah'faahin ka bixinayay sababta ku qasabtay in uu isaga tago holihii u ka hayay Dowladda Federaalka ayaa sheegay in uu ka waayay daryeelkii loo baahnaa, waxaana uu intaa ku daray in sababta ugu weyn ay tahay Cadaalad daro "Aniga iyo Ciidamadda aan watay  waxaa uu fariisinkeeno ahaa Xero ku taala Garoonka Bali-doogle ee Gobalka Shabeleda Hoose, waxaan arkay in Ciidamadda loo kala fa'quuqayo heybta ay ka soo jeedaan, taana waxaa qaadan wayay marka laga soo tago dhinaceyga xitaa Ciidamadii aan maamulayay oo door biday in ay dib gobalka ugu soo laabtaan ayuu yiri Col. Guuto.
 
Col. Axmed Cilmi Guuto waxaa uu intaas ku daray in soo bixitaankiisa aysan ka jirin cid ka warqabtay haddii ay ahaan laheyd dhinaca Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada," Ma jirin sabab nagu qasbi kartay in aan la socdsiino soo bixitaankeena Dowladda Federaalka, waayo go'aakeyga ayaaba ahaa in aan Dowladda ka baxo.
 
" intii aan Jidka ku soo jiray waxaa xiriiro kala duwan ila soo sameeyay Xubno ka tirsan Mas'uuliyiintii Maxkamadaha kuwaas oo igu baaqay in aan ku soo biiro dagaaladda looga soo horjeeddo Dowladda laakiin anigu warkaa dhag uma dhigin.
 
HOL oo weydiisay in uu ku biirayo Mucaaradka Dowladda iyo in kale mar haddii uu isaga tagay shaqadii uu Dowladda u hayay waxaa uu sheegay in uu  yahay Sarkaal muddo dheer soo shaqeynayay una baahan Nasiino sidaas daraadeed uu noqonayo Oday Soomaaliyeed.
 
Mar uu ka hadlayay sida laga yeelayo Ciidamadda la socoda waxaa uu sheegay in markii horeba Ciidamadu ahaayeen kuwo ka tagay Gobalka Hiiraan sidaa daraadeed waxaa ay ka qeyb-qaadan doonaan difaaca Gobalka.
 
Magaaladda Beledweyne ayaa markiiba laga dareemay dhaq-dhaqaaqa Ciidamada ka soo goostay dhinaca Gobalka Shabeeladda Hoose kuwaasoo la arkayay iyaga oo raxan raxan u socdda gudaha Magaaladda kuna labisan dareeska Ciidamadda Dowladda Federaalka.
 
Ilaa haddana ma'jiro wax war ah oo dhinaca Maamulku ka soo saaray Ciidamadda soo galay Magaaladda Beledweyne oo sida la sheegay ka tagay howlihii ay u hayeen Dowladda Federaalka, maadaama Maamulka hadda ka jira Gobalku yahay mid hoostaga Dowladda Federaalka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia