Dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay oo shalay gelinkii dambe iyo xalay fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khamiis, February 07, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe iyo xalay fiidkii hore waxaa ka dhacay dagaal khasaare geystay oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaa oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Dagaalka oo ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaan nawaaxiga Saldhigga Booliska Degmadaas, Xaafadda Taleex iyo Nawaaxiga Tareebuunka ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad rayid ah.

Madaafiic ay labada dhinac isugu adeegsaday oo ku habsaday guryo ay dad rayid ah deganaayeen, waxayna madaafiic ku dhacay Xaafadda Raadeerka ay sababeen dhimashada 2 caruur ah iyo dhaawac gaaraya 9 ruux oo kale, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Dayniile.

Dad kale oo 11 ruux gaaraya oo la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina  ayaa iyana waxay ku dhaawacmeen madaafiic ku habsatay guryo ay deganaayeen oo  ku yaala Degmada Waaberi, inkastoo dadkaas uu dhaawacooda yahay mid aan darneyn.

Dagaalka oo ka bilowday nawaaxiga Saldhigga Degmada Hodan ayaa markii uu cabaar socday waxaa uu ku faafay xaafadda Taleex iyo nawaaxiga Isgoyska KM4, iyadoo taasina ay keentay in ay rasaas xooggan furaan Ciidamada Amisom ee ku sugan Daaraha u dhow Isgoyska KM4.

Dagaalka shalay ka dhacay Xaafadaha ka tirsan Hodan ayaa wuxuu ahaa midkii seddexaad oo ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dagaalladan ku soo beegmayaan iyadoo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xalilayo mushkiladda Soomaaliya, gaar ahaan tan ka taagan Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay noqotay magaalo ay inta badan dadkii ka barakaceen, isla markaana ay ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo taasina ay i hoos u sii dhigtay rajo ay dad badan oo Soomaaliyeed ka qabeen in xal loo helo mushkiladda ka taagan Magaaalda Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia