Shaqaale ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Magaalada Beledweyne oo sheegay in ay isu casileen cabsi soo wajahday aawgeed

Khamiis, February 07, 2008(HOL): Cabey Ibraahim Aadan iyo Cismaan Cabdi Cali oo ka tirsanaa shaqaalaha Dowladda hoose ee Magaaladda Beledweyne gaar ahaan waxaada Canshuuraha ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ku dhawaaqeen in ay isaga tageen howlihii ay ka hayeen Dowladda hoose ee Degmadda Beledweyne, kadib markii sida ay hadalka u dhigeen ay soo food saartay cabsi ay ka qabaan in lagu dilo howsha ay hayaan.
 
Cabey Ibraahim Aadan oo ahaa Madaxii Waaxdda Cashuuraha ee Xaafadda Howl-wadaag ee Magaaladda Beledweyne ayaa maalintii shalay qaar ka mid ah qalabka warbaahintu sheegeen in lagu dilay toogasho, lakiin isaga oo ka hadlayay mid ka mid ah Idaacaddaha ka howl-gala gudaha Magaaladda ayuu sheegay in warkaasi yahay mid aan sal laheyn waxaana uu intaa ku daray in sababta keentay in uu faraha ka qaaddo howshii uu hayay ay tahay saftiisa soo food saartay.
 
"Aniga iyo Saaxibkey Cismaan waxeynu go'aansanay fikir dheer ka dib in aan isaga baxno howlaha Dowladda, sidaa daraadeed fariitan  waxaa si gaar ah ugu wargalineynaa dadka reer Beledweyne ayuu yiri Cabey oo intaa ku daray in uu aad ula yaabay dilalkii is xig xigay ee dhawaan ka dhacay Magaaladdda.
 
Waa markii ugu horeysay oo shaqaale ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan ay si cad ugu dhawaaqaan in ay isaga tageen howlihii ay Maamulka u hayeen, waxaana marka dhan laga eego arintani la oran karaa waa mid muujineysa sida dilalkii dhawaan ka dhacay Magaaladda ay u samaayeen Xubnaha ka tirsan Maamulka Gobalka.
 
Sidoo kale cabsidda ka jirta Magaaladda Beledweyne ayaa sameyn muuqta ku yeelatay adeegyadii  Bulshadda sida Ganasiga iyo Wali Waxbarashadda taa oo keentay in xiliga habeenkii arday badan oo Wax ka baran jirtay Dugsiyadda Magaaladda ay soo food saarto Waxbarasho la'aan.
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo dhawaan ka hadlay xaaladda Magaaladda Beledweyne ayaa sheegay in ay tahay mid qatar dhinaca amaanka ah ku  jirta waxaana uu intaa ku daray in kooxaha arimahaa ka danbeeya uu ugu baaqayo in wax yaabaha ay tirsanayaan ku doonaan wadda hadal,  inkastoo haddana hadalka gudoomiyiha uusan aheyn mid ku filan wax ka qabshadda xaalada cakiran ee ka taagen Gobalka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia