Sarkaal caan ah oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu dilay

Isniin, February 25, 2008(HOL): Rag Bastoolado ku  hubeysan ayaa waxay toogasho ku dileen Jen. Cabdi Kaahiye oo loo yaqiinay Harag Shabeel oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Kooxda Baambeyda.

Jen. Cabdi Kaahiye ayaa la sheegay in ay seddex nin oo Bastoolado ku hubeysan ay ku toogteen agagaaraha Dugsiga sare ee Booliska ee Degmada Xamar Ja-jab ee Gobolka Banaadir, iyadoo kadibna ay baxsadeen raggii toogtay.

Jen. Cabdi Kaahiye oo si weyn loogu xusuusto ka dhex muuqashada Munaasabadaha Qaranka, gaar ahaan Kooxda Baambeyda ee Muusikada oo uu horjooge u ahaa ayaa wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore waxaa uu ku sugnaa dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ahaa Saraakiil badbaadisay Dugsiga sare ee Booliska oo aan isagu ka mid noqon Xarumihii Dowladeed ee la bililiqeystay markii ay burburtay Dowladdii hore.

Xiliyadii dagaallada sokeeye isaga iyo Kooxda Baambeyda waxay ku sugnaayeen Dugsiga Sare ee Booliska, waxayna marba la qabsanayeen Dowladdii dalka timaada oo ay u garaacayeen Astaamaha Muusikada Qaranka.

Dilka Sarkaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddooyinkan dambe ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen dilal qorsheysan oo loo geysto dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dilkanina uu ku soo beegmayo iyadoo saaka lagu dilay Degmada Wadajir Xoghayihii Dowladda hore ee Degmadaas oo lagu magacaabi jiray Aadan Xaashi.

Ma ahan sarkaalkii ugu horeeyay oo lagu dilo Magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore, waxaana jiray Saraakiil dhowr ah oo waqtiyo kala duwan lagu dilay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia