Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Diinsoor oo shalay ay dagaallo ka dhaceen

Isniin, February 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ka tegay Deegaano ka tirsan Gobolka ay u dhaqaaqeen dhinaca Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo shalay lagala wareegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo aan la sheegin inta ay tiradooda la egtahay ayaa la sheegay in ay u jiheysteen dhinaca Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo muddooyinkan ay dagaallo ku dhexmarayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogag ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Maalintii shalay ahayd ayaa dagaal xooggan wuxuu ka dhacay Degmada Diinsoor ee gobolka Bay, halkaasi oo la sheegay in Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa lagala wareegay.

Dagaalkaas ayay dadka Degmadaas sheegeen in ay ku dhinteen 23 ruux oo isugu jira Ciidamadii Dowladda iyo Dad rayid ah oo ay haleeshay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen, waxaana meydadkaas laga helayay ilaa saaka meelo magaalada ka baxsan.

Ugu dambeyntiina, Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo hoggaaminayay Xoogagga qabsaday Degmada Diinsoor ayaa sheegay in ay Ciidamada Dowladda ka dileen 10 Askari labo gaari oo Tikniko ahna ay ka qabsadeen, isagoo intaas ku sii daray in dhinacooda ay dagaalka kaga dhaawacantay labo Askari.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia