Isniin, February 25, 2008(HOL): Xoghayaha Samafalka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Shiikh Axmed Cali Gees oo markii labaad ay todobaadkii hore xireen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoriyaddiisii dib u helay.
Shiikh Axmed Cali Gees oo markii la soo daayay kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in intii uu xirnaa aan wax dhibaato ah loo geysan, isla markaana si wanaagsan loola dhaqmay, marka laga reebo xoriyaddiisa aas aasiga ah oo ka maqneyd.
Shiikh Axmed Cali Gees oo horay loola xiray Afhayeenka Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa waxaa laga qabtay todobaadkii hore gudaha Suuqa Bakaaraha, xili ay Suuqaas galeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shiikh Axmed Cali Gees waxaa uu sheegay in markii la qabanayay lala qabtay Afhayeenka Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali, hayeeshee ay sii daayeen Ciidamo aqoonsaday in uu Axmed Diiriye yahay, kuwaasi oo sida uu yiri ogaa in dhawaan uu sii daayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Afhayeennada Siyaasadda iyo Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ee kala ah Axmed Diirye Cali iyo C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa waxay sheegeen in iyadoo uu sii daayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay raadsanayaan sida ay yiraahdeen Guddoomiyayaal Degmo iyo kuwo Gobol, iyagoo taasina ku tilmaamay mid aan ku wanaagsaneyn kala dambeynta iyo Nidaamka Dowladeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia