Sabti, February 23, 2008(HOL): Idaacadda Somaliweyn oo ka mid ah Idaacadaha sida weyn looga dhegeysto Magaalada Muqdisho ayaa iyadoo soo xiganeysay ilo wareedyo ku dhow dhow Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxay shaaca ka qaaday in Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Isbaheysigaas Shariif Shiikh Xasan Shiikh Aadan uu isaga baxay Isbaheysigaas.
Sababta uu Shariif Xasan uga baxay Isbaheysigaas ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto khilaaf dhinacyo kala duwan leh oo soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo khilaafkanina uu soo baxay kadib markii ay mas’uuliyiinta Isbaheysiga ka soo laabteen Magaalada Qaahira oo ay u tageen shirar ay la lahaayeen Dowladda Masar, Jaamacadda Carabta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan.
Wax faah faahin ah lagama bixin warkan ku saabsan is-casilaadda uu sameeyay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, marka laga reebo warka laga helay ilo wareedyada ku dhow dhow Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wuxuu ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, hayeeshee isaga iyo Xildhibaano dhowr ah oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa ayaa xilkii laga qaaday kadib markii sida la sheegay ay ku xadgudbeen Axdi Qarameedka u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay ka dhego-adeygeen amar Baarlamaanka ka yimid oo ahaa in ay muddo 2 bilood gudahood ah dib ugu laabtaan Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka ee ku taala Magaalada Baydhabo.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xubno ku fikir ahaa oo iyana xubinnimadii Baarlamaanka laga qaaday ayaa waxay la baxeen Baarlamaanka Xorta ah, iyagoo sheegay in aysan jirin Dowlad ka jirta Soomaaliya, isla markaana dalka Soomaaliya uu yahay mid gumeysi ku jira.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia