Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo sheegay inay dhisayaan Xafiisyadii Gobollada ee Guddiga

Sabti, February 23, 2008(HOL): Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay inay u kala ambabaxayaan Gobolada dalka, si ay u soo dhisaan xafiisyadii Komishanka ee Gobolada iyo degmooyinka, isla markaana u soo qiimeeyaan diyaargarowga hawsha diiwaangelinta.

Xubnaha Komishanka oo ay weheliyaan Guddida Farsamo ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo ka kooban Saddexda Xisbi, Komishanka iyo Xukuumadda, shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Komishanka ee magaalada Hargeysa, waxay sheegeen in ay isu qaybiyeen laba kooxood oo u kala baxaya gobolada Galbeedka iyo Bariga dalka, si ay u soo dhisaan xafiisyadii Komishanka ee gobolada iyo Degmooyinka iyo weliba masuuliyiintii ka hawlgelaysey, kadib marka ay ku qancaan aqoontooda, dhexdhexaadnimadooda iyo hawlkarnimadooda, taas oo ay sheegeen inay bilow u tahay dhaqaajinta hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Guddida Doorashooyinku waxa ay sheegeen in toddobaadka soo socda ay furi doonaan tartanka shirkadaha fulinaya hawsha diiwaangelinta. Waxa kale oo ay caddeeyeen in wax ismaandhaaf ahi aanu ka jirin qorshaha diiwaangelinta.

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa Somaliland