Kiis la-yaab leh oo ka dhacay Maxkamadda Degmada Burco

Sabti, February 23, 2008(HOL): Maxkamada Degmada Burco, ee Gobolka Togdheer ee Somaliland, ayaa markii u horeysay ku dhawaaqday xukun adag oo ka gaadhay Wiil 22 jir ah, oo muddo bil iyo badha kiis xasaasiya oo lagu muransanaa dhalashada inan ay ka socotay xarunta Maxkamada.Xukunkaas oo ay Maxkamadu kaga dhawaaqday hoolka Maxkamada Degmada ayna goob joog ka ahaayeen 4 Afar Waalid oo isku haystay wiilkan, iyo dadweyne badan oo xiisaynaya dhegaysiga dacwadan, waxa uu  ahaa kiiskan kii ugu xiisaha badnaa ee soo mara Maxkamada Burco, iyada oo uu wiilka lagu muransanaa (Cabdi-khadar Jaamac Yusuf) oo ahaa dhibane leh xaas iyo caruur.


Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Burco Maxamed Jaamac Cashuur oo isagu kiiskan gacanta ku hayey ayaa ku dhawaaqay xukunka  in loo xukumayey wiilkan laba ka mida Afarta waalid ee ku muran sanaa wiilkan.
 
Asbaabta Xukunka:
 
Gudoomiyaha isagoo sababeenaya asbaabta xukunkiisa waxa uu yidhi, “Wiilkan waxa haystay nin maalqabeen ah oo ka iibsaday haweeney ka dhacday Magaalada Burco 18 Sano ka hor, ninkaas xilligii uu dhimanayey ayuu sheegay inankan inaanu dhalin oo uu iibsaday, Inankii Jaraa,idka ku soo baxay Nayroobi ayuu isku shaaciyey waxaanu yimi Saldhiga Dhexe ee Burco, halkaasi oo ay dadku ku booqan jireen dadka ka maqan yihiin, waxaana uu raacay qoys ka mida dadkii baafinayey oo uu ku qancay inuu yahay wiilkoodii”.
Gudoomiyaha waxaa kale oo uu cadeeyey in laba waalid oo kale ay ku qabsadeen qoyskii sidaa daraadeed ay Maxkamadu kala xaqiiijisay calaamadaha iyo asraarta ay qoysasku kala sheegteen, ayna xukumeen laba ka mida Afarta waalid iyaga oo cuskanaya caddaymihii laba dhinac iyo Shareecada Islaamka.
 
Dardaaranka Aabihiisii hore:
 
Cabdi-khadar Jaamac Yusuf oo ah Aabe leh Xaas iyo Caruur ayaa isagana xukunkaasi kadib saxaafadda u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta noqday “Aabe ay Caruurtiisa leedahay hayb”.
“Waxay iigu darnayd markii aniga iyo xaaskayga iyo qoyskaygii hore uu Aabahayo nagu wargaliyey xilligii dardaaranka in aniga (Cabdi Khadar) aanu ahayn wiil ka mida qoyska ee aan iibsaday, xoolahaygana kama dhaxal gelayo, reerkiina Burco ayuu yaal. Intaa  ayuu yidhi, ka dib nafta ayaa ka baxday Aabahaygii 18 sano, aniga subaxii ayaan u soo anbabaxay meesha Burco iga xigtay,” ayuu yidhi Cabdikhadar. Wiilkan waxaa uu xusay inuu xaaskiisa ku wargaliyey inuu hadda helay qoyskii uu ka soo jeeday.
 
Dareenka Waalidka loo xukumay Wiilka:
 
Labadan waalid ee hadda Maxkamadu u xukuntay wiilkan, Jaaamac Yusuf iyo Xiis Nuur Cali ayaa iyagu Maxkamada horteeda ka qiray in wiilkan waayeen muddo 20 Sanadood ka hor ay hadana yihiin qoyskii 75 aad, ee Cabdi Khadar qabsada. “Markii aan arkay ayey ii cadaatay inuu yahay wiilkaygii waxaanan qarsanayey shan calaamadood oo intooda badani hido tahay, haddana inankaygii waan haystaa,” ayay tidhi Hooyada Cusub ee inankan  oo iyadoo farxad la ashqaraarsan la hadlayso warbaahinta xukunka ka dib.

Geesta kalena labada Waalid ee iyagu laga xukumay wiilkan Faadumo Geele Muuse iyo Aadan Maxamed ayaanay noo suurta gelin inaan la xidhiidhno balse Maxkamada ayaa caddaysay inaanay waalidkan qaarkood ku qancin xukunkan ayna sharci ahaan u furan tahay Rafcaan Muddo (30) Cisho ah.

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa Somaliland