Xubin ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo markii labaad maanta la xiray

Talaado, February 19, 2008(HOL):  Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay gurigiisa oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ay mar kale ka kaxeysteen Shiikh Axmed Cali Gees oo ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.

 

Shiikh Axmed Cali Gees oo Xabsi kula xirnaa Afhayeenka Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa wuxuu yahay Madaxa Samafalka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, waxaana saaka xoriyadda ka qaaday oo xiray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo gudaha u galay Suuqa Bakaaraha.

 

Warar ku dhow dhow Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in markii ugu war dambeysay Shiikh Axmed Cali Gees la geeyay Xarunta CIDd-a, iyadoo kadibna aan la helin wax war ah oo ku saabsan xaaladda Shiikh Axmed Cali Gees.

 

Shiikh Axmed Cali Gees ayaa wuxuu Xabsi ku yaala Gobolka Bay kula jiray Axmed Diiriye Cali muddo labo bilood ka badan, iyadoo kadibna lagu  sii daayay dadaal ay sii deyntiisa u gashay Xukuumadda uu madaxda ka yahay Ra'iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), iyadoo sii deyntoodana ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kalena, Ciidamada Dowladda ayaa intii ay ku sugnaayeen Suuqa Bakaaraha waxaa ay kaxeysteen dad kale oo badan,  inkastoo la sheegayo in qaar ka mid ah dadkaas markii dambe la sii daayay intii aan la geynin Xabsiyada Dowladda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Lama oga ilaa iyo haatan in dadka ay Ciidamada Dowladda qabteen ay su'aalo weydiin kaliya u kaxeysteen iyo in xabsi loo taxaabi doono sidii horay u dhici jirtay oo kale.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia