Talaado, February 19, 2008(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa saaka xaaladdiisa waxay tahay mid cakiran kadib markii ay Suuqa gudaha u galeen ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan.
Ciidamadan ayaa waxay Suuqa galeen kadib markii shalay qorax dhicii weerar culus lagu qaaday Ciidamo Soomaali ah oo in muddo ah fariisimo ku lahaa Isgoysyada Aadan cadde iyo Howl-Wadaag, isla markaana muddo kooban laga qabsaday Isgoysyadaas.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen Garoonka Kubada Cagta Muqdisho Stadium ee degmada Wardhiigley iyo Isbitaalkii Digfeer ee Degmada Hodan ayaa waxay Suuqa Bakaaraha ka soo galeen Waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka oo Koofur iyo Waqooyi ka kala mara Suuqa Bakaaraha, iyadoo sidoo kalena ay gudaha Suuqa ku jiraan Ciidamo Soomaali ah oo la sheegayo in ay rasaas ku furaan qofkii ay uga jeedaan meel il-muuqati ah, iyagoo qofkii ay qabtaana ka qaadanaya wixii ay heysato, gaar ahaan Taleefoonnada Mobile-ka iyo Lacagta.
Xaaladda Suuqa ayaa saaka cakiran, wax ganacsi ahna kama jiraan, xitaa waxaa loo diiday in ay galaan dadka lugtooda isticmaalaya ee aan gaadiidka raaceynin, waxaana haatan Suuqa ku sugan kaliya Ciidamada Dowladda, kuwa Itoobiya iyo dad shalay Suuqa ku go'doomay oo xalay seexday gudaha Suuqa.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax baaritaanno ah oo ay wadaan Ciidamada ku sugan Suuqa Bakaaraha, waxaana albaabada u laaban yihiin guud ahaan goobaha ganacsiga oo Dadkii furi lahaa aanan saaka loo ogolaanin in ay Suuqa Gudaha u galaan.
Wixii ku soo kordha Xaaladda Suuqa Bakaaraha kala soco Hiiraan Online hadii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia